Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la yeeshay Shaqaalaha xarunta dhexe[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir la yeeshay Shaaqalaha Xarunta dhex ee Wasaradda Maaliyadda.

Kulanka shaqaalaha iyo Agaasimaha ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda loogana qeyb qaadan lahaa hormarka Wasaaradda iyo isla xisaabtanka waajibadka masuuliyada qofka ee imanshaha shaqo gelista.

Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Cali Jaamac ayaa Agaasimaha guud u soo badhigay xogaha shaqooyiinkii iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Intii u socday shirka waxaa xooga lagu sarayay hannaanka shaqo galka shaqaalaha xarunta dhex ee Wasaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo soo xiray shirka ayaa ka hadlay ahmiyada shaqada iyo Waajibaadka shaqo ee qofka laga rabo hada ka dibna qof waliba lagu la xisaabtami doono shaqada iyo waajibadka saaran.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ayaa xusay in abaal marin kala duwan ay heli doonaan shaqalaha Shaqada loo igmaday ka soo baxa ayna la socdaan qof waliba shaqada uu hayo ee loo xilsaaray.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland