Agasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Agasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin dib u habaynta xogta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda 2024 Xafiiska HR-kana loo bandhigay xogta horumarinta shaqaalaha Wasaaradda.

Qorshayaasha horumarinta leh ee 2024-ka kuna aadan shaqooyinka loo diyaariyey shaqaalaha Wasaaradda ee dhanka kor uqaadida dakhliga gobolada.

Qorshayaasha dib u casriyanta wax iibsiga Wasaaradda Maaliyadda 2024-ka tayayna lagu sameeyo Xafiiska qaablsan.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Agasimayasha waaxyaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojin shaqada iyo kor uqaadida dakhliga.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, Agaasimahaysha Waaxyaha Wasaaradda, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolada Nugaal, madax qaybeedyada iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland