Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha caasimada[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeer shaqo ku tagay Garoonka Diyaaradaha Caasimada.

Kormeerkan shaqo Agaasimaha waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku xigeenka Bankiga Dowladda Puntland, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolada Nugaal iyo Mas’uulyiin kale.

Kormeerkan ayaa salka ku hayay furi- taanka laan cusub oo Bankiga Dowladdu ku yeesho Garoonka Diyaaradaha Caasimada ayna isla arkaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxda Bangiga, shaqadeena maanta bilowado.

Laanta Bangiga ee Garoonka ayaa noqon doonta mid daboosha baahiyaha muwaadininta ka dhoofaya kana soo degaaya Garoonka ee adeeg sada lacagaha qalaad Wasaaradda Maaliyadduna qayb ka qaadan doonto.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland