Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ka tacsiyeeyey falkii foosha xumaa ee argagixisnimo ee la beegsaday Allaha ha u naxariiste Xisaabiyihii gobolka Mudug ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Siciid Cali Yuusuf (Gaad-yare) iyo muwaadintii kale ee soomaaliyeed. Wasiirka Maaliyadda ayaa cambaareeyay falkaas foosha xun oo qof isa soo miidaaamiyay u isku qarxiyay Marxuum Siciid Cali Yuusuf , […]
Shir ballaaran oo si qoto dheer looga hadlay Ammaanka guud ee gobolka Bari ayaa maanta lagu qabtay guriga gobolka Bari ee magaaladda Boosaaso. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed,Guddoomiye kuxigeenka 1- 2aad ee gobolka Bari,Taliska Ciidanka,Culumaa’udiin iyo Xildhibaan. Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii Iskaashi mideysan looga yeelan […]
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Sheekh Axmed ayaa ku ammaanay doorka muuqda ay ka qaadatay difaaca Puntland jaaliyadda ku dhaqan waqooyiga Denmark ee reer Puntland. Deeqda ayaa ka koobnayd 500 oo Kartoon oo timir ah iyo 165 kartoon oo Kalluun ah, taasi oo ay ugu tala galeen jaaliyadda inay ku dhiiri galiyaan ciidanka guusha […]
BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee magaalada Iyo garoonka diyaaradaha ee Boosaaso. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa booqashadiisa ,waxaa ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka,kan degmada Bosaso iyo xubno kale. Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ugu horeyn tagay Isbitaalka Bosaso ,isagoona kormeeray qeybaha uu ka […]
Tababarkan oo Muddo 5 Maalmood ka socday Xarunta  Cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaaladda Bosaso, Waxaana uu la xiriiray Shuruucda Wadooyinka, Jihaynta Gaadiidka iyo Buuga ganaaxa baabuurta kaasi oo lagu tababaray ciidanka ilaaladda wadooyinka ee taraafikadda ee Gobolka Bari. Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Beriga W/Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) oo  soo […]
BOOSAASO – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa sheegay iney shacabka reer Puntland dal iyo dibadba awoodaan iney Isku tashigooda uga qeybqaataan horumarka Puntland. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed oo hadal ka jeediyey qalabkii dhismaha wadada ceeldaahir -ceerigaabo ayaa sheegay in qalabka lagu gaday Iskutashiga shacabka ee ay horay ugu dhawaaqay Madaxweynaha […]
Agaasimaha Guud ee Cashuuraha Beriga W/Maaliyadda Puntland Cali Jaamac Gaashaan (Cali Farxaan) ayaa maanta tababar u furay ciidanka ilaalada wadooyinka. Tababarkan ayaa socon doono muddo shan maalmood ah ,waxaana lagu baran doonaan shuruucda wadooyinka iyo jiheynta gaadiida taasoo lagu dhaqayo gaadiidleyda sharciga. Ciidamada Tababarkan la siinayey oo dhowr iyo taban gaarayey ayaa tababarka ku qaadanaya […]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kaashaneysa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha diinta ayaa maanta Tababar ugu qabatay magaalada Garoowe Nootaayooyinka diiwaangashan dowladda. Tababarkan ayaa Ujeedkiisu ahaa sidii wadashaqeyn u yeelan lahaayeen Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Shirkadaha Nootariga ,waxaana goobjoog ka ahaa Mulkiilayaasha Nootaayinka iyo quburo aqoon durugsan u leh Nootaayooyinka. Agaasimaha Guud ee Cashuuraha […]
BOOSAASO -Guddoomiyaha Baarlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa tacsi ka diray geerida Marxuum Caaqil Xasan Cuuke Afcade oo kamid ahaa Isimada soo jireenka ah ee Puntland oo ku geeriyooday magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale waxay tacsi ka direen geerida Marxuum Caaqil Maxamuud Maxamed Cismaan Caana-nuug oo ku geeriyooday dalka Hindiya ,waxayna alle uga […]
BOOSAASO – Wasaaradda Maaliyadda dowladda Puntland iy Laanta Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikadda ayaa maanta magaaladda Bosaso kaga dhawaaqay inay dhammaan degaamadda Puntland 1-da Bisha Maarso si ramsi uu uga dhaqangalayo Sharciga Ganaaxa gaadiidka iyo sharciga Wadamarista. Buuggan soo saaristiisa waxaa iska kaashaday Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Laanta ilaalada wadooyinka ee Taraafikada Iiyo Waaxda Cashuuraha beriga […]