Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo degmada Eyl ka dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]
EYL – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo safar shaqo ku tagay degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Maaliyada Puntland.
Dhagax dhiga dhismaha waxaa ka qayb galay Ku-simaha Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga, Xisabiyaha Wasaardda Maaliyada gobalka Nugaal, Maamulaha Cashuuraha Berriga Iyo Maamulka degmada Eyl.
Dhismahan oo ay dhistay Dowladii Soomaaliya balse aan la isticmaalin mudadii burburka ahayd ayaa lagu samayn doonaa ballaarin iyo dib u dhis, waxayna madaxda Wasaaradu sheegeen inuu dhismahani qayb ka yahay dhismayaal ay Wasaaradu ka wado degmooyinka kala duwan ee Puntland sida Dhahar, Galdogob, Garacad, Bareeda, Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir Garowe Iyo Falaydhyaale.
Gudoomiye Ku-Xigeenka degmada Eyl ayaa uga mahadceliyey Wasaarada Maaliyada dhismaha gurigan, wuxuuna sheegay inuu noqon doono horumar degmada kusoo siyaaday, isagoo ugu baaqay hay’adaha kale ee Dawlada inay iyaguna Ku daydaan Wasaarada Maaliyadda ayna degmda ka hirgeliyaan xarumahooda.
Ugu danbayn Madaxda Wasaarada Maaliyada ayaa dhan kooda Maamulka degmada Eyl uga mahadceliyey wada shaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Maaliyadda, ka qayb qaadashada hirgelinta dhismahan iyo qorshaha dardargelinta dakhliga degmada taariikhiga ah Ee Eyl oo leh xeeb balaaran.
Wasaarada Maaliyada ayaa bilowday qorshe baaxad leh oo ay Ku horumarinayso xarumaha Wasaarada ee degmooyinka Iyo gobaladda kala duwan Ee Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland












































GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa maanta gugdoomiyey shir ay qayb kawada ahaayeen Wasaaradda Maaliyada, Bangiga Dawladda, Bangiyada gaarka loo leeyahay Iyo Shirkadda PITECH kaas oo looga hadlay sidii bangiyadu u fududayn lahaayeen






















GAROOWE – Wasaaradaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud iyo Guryeynta ayaa yeeshay kulan lagu horumarinaayo cashuuraha Gaadiidka Gobolada Dowladda Puntland, kulanka ayaa lagu qabtay Xarunta dhexe ee Wasaarada Maaliyadda.

























GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda.






















GAROOWE































GAROOWE –
Baahintii 
GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay mas’uuliyiinta Hantidhawrka gudaha oo safar shaqo ku tagay gobalka Raas-casayr.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo uu weheliyo Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ayaa ka qab galay kulan looga hadlay dar-dargelinta dakhliga iyo horumarinta shaqada Wasaaradda.


















GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Golaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinayaan ansixinta Miisaniyadda Dowladda 2025 oo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar).
Miisaaniyadda 2025 ayaa horay Madaxda Wasaaraddu ula wadeegeen bulshada Puntland in ay door ku yeeshaan Golaha Xukuumadduna markii la hor geeyey isku raaceen, ugu dambayna maanta Golaha Baarlamaankuna ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.
GAROOWE – Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Kulankan, oo ka dhacay xarunta Golaha Wakiillada, ayaa looga hadlay miisaaniyadda sanadka 2025, oo dhawaan loo soo gudbiyey Golaha Wakiillada.
Baahintii