Category: Somali News

IMG_2636

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Sool oo hor tagay Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa waxa hor yimid Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ee Gobolka Sool.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud Wasaaradda Maaliyadda ayaa Shir guddoomiyey kulanka.

Guddiga ayaa Xisaabiyaha gobalka Sool, Maamulaha Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamyada iyo Khasnajiga Gobolka su’laalo ka waydiiyey Xogtii horay Hanti-dhowrka guduhu la soo wadaagay Guddiga Goobta Shaqada.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Sool iyo Mas’uulyiinta kale ayaa ka jawaabay dhammaan su’laalihii shaqada Wasaaradda lagu saxaayey iyo horumarada kale ee ay sameeyeen.

Ugu dambayntii intii uu socday shirka ayaa lagu saxay dhammaan khaladaadkii farsamo ee horay loo soo gud biyey waxaana Madaxda iyo shaqaalaha Gobolka Sool lagu aamaanay dadaalka ay ugu jiraan dardargalinta dakhliga iyo ushaqaynta bulshada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2600

Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo la xisaabtamay mas’uuliyiinta Maaliyadda ee gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobalka Nugaal ayaa maanta hor yimid Guddiga goobta shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda si wax looga weydiiyo khaladaadka dakhliga ee Hanti-dhowrka guduhu kasoo saaray gobalka Nugaal.

Shirka waxaa guddoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Guddiga Mudane Axmed Jaamac Jowle.

Xisaabiyaha Gobalka Nugaal, Xisaabiye Ku-xigeenka, Maamulaha cashuuraha Berriga, Maamulaha Kastamka iyo khasnajiga ayaa ka jawaabay khaladaadka Hanti-dhowrka gudaha, waxaana la is waydaarsaday sida ugu haboon ee aysan usoo noqon khaladaadka farsamo ee lasoo saaray.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Maaliyada ayaa mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyada ee gobalka Nugaal faray in ay ay muujiyaan dadaal dhanka shaqad ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2574

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo Ansixiyay Miisaaniyadda 2025[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

Golaha oo la hor geeyey Miisaaniyadda Dowladda oo ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbiysay ayaa Goluhu si wayn usoo akhriyeen miisaaniyadda 2025 oo dhan $466,840,762.

Waxaa xusid mudan in Miisaaniyadu Dowladda Puntland ee ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024 ugu dambayna ay Goluhu ku ansixiyeen cod buuxa.

Shirkan Golaha Wasiirada waxaa ay ka qayb galay Madaxda Wasaradda Maaliyadda oo Golaha la wadaagay xogo dheeraad ah oo ku aadan Miisaaniyadda 2025.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2553

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka Guud[Sawirro]

GAROOWE – Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Jaamac Gaashaan ahna Kusimaha Xisaabiyaha ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiinta iyo shaqaaalaha Xafiiska xisaabaadka guud.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana looga hadlay Dardargalinta nidaamka xisaabaadka dowladda Puntland, adkaynta iyo horumarinta nidaamka xisaabaadka ee hay’adaha dowlada.

Ugu dambayn,  Cali Jaamac Gaashaan ayaa shaqaalaha Xafiiska Xisaabaadka guud kula dardaarmay in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan shaqada ay u hayaan Bulshada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2523

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka ayaa intii uu socday Agasimayaasha waaxyuhu soo badhigeen shaqooyinka laqabtay ee horumarka laga sameeyey, kuwa harsan ee aan laqaban  iyo qorshayaasha dagsan ee dhanka shaqada Wasaaradda.

Wasiirka ayaa boggaadiyey dhammaan shaqooyinka horumarka laga sameeyey ee Wasaaradda kuna ad keeyey Agaasimayaasha waaxyaha in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan qabashada shaqooyinka hortebinta leh ee Wasaaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2419

Madasha la Tashiga Dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda Puntland 2025 oo ka furay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Madasha la latashiga Dadwayanaha ee Miisaaniyadda Dowladda Puntland  2025 ayaa ka furmay hoolka shirarka ee Martisoor Hotel Garoowe.

Kulankan waxaa ka qayb galay  Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo bulshada Rayidka ah qaybaheeda kala duwan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2239

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Nugaal[Sawirro]

GAROOWE – Ciidamada ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal oo muddo ku jiray tababar ayaa ugu dambayn loo soo gabagabeeyey.

Tababarkan waxaa Ciidamada u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Hoggaanka  Ciidamada ilaalada Cashuuraha Puntland iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada cashuuraha gobolka Nugaal.

Ciidamada ayaa qaatay aqoon ku aadan ilaalinta cashuuraha iyo lama caamilka bulshada Cashuur bixiyaha ah ee Puntland, waxaana loo dhamaystiray inta badan agabkii ay ku hawl gali la haayeen.

In la tayeeyo Ciidamada ilaalada cashuuraha ayaa qayb ka Siyaasadda ay u dajiyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ee ku aadan tayeynta ciidamada ilaalada cashuuraha Dowladda Puntland.

Waxaa xusid mudan in ay socdaan qorshayaal ku aadan tayaynta Ciidamada ilaalada cashuuraha ee gobolada kala ee Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2212

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Qardho[Sawirro]

QARDHO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa safar iyo kormeer shaqo kusoo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Kormeerka wasiir ku xigeenka ayaa salka ku hayey dardargalinta dakhliga iyo horumarinta goobaha shaqada Wasaaradda si wax badan looga ogaado shaqada ay hayaan Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boos ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyey, waxana uu la wadaagay shaqooyinka socda ee horumarka laga gaaray iyo qabadaha jira ee u baahan in la saxo.

Ugu dambayn Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda uga mahad-celiyay shaqooyinka wanaagsan ee ay shacabka u hayaan, Wuxuuna kula dardaarmay in lasii xoojiyo u adeegida bulshadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_2175

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boggaadiyay Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Raasa-casayr[Sawirro]

BAREEDA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay Doonyo ay soo qabteen Ciidamada Booliska gobalka Raasa-Casayr gaar ahaan Ciidamada ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda.

Labadan doonyood ayaa laga leeyahay dalka Yeman sifo sharrci darro ahna uga Kalluumeysanayay Xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raasa-Casayr.

Agaasimaha Guud  ayaa la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.

“Waxaan boggaadinayaa Saraakiisha ciidamada Booliiska gobolka Raasa-Casayr oo garab siinaya Ciidamada ilaalada cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda hawal galkan ay qaadeen si loo ilaaliyo khayraadka iyo dakhliga dowladda Puntland “

“Waxaan kula dardaar mayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Raasa-Casayr in ay laba jibaaraan dardargalinta dakhliga gobolka”..ayuu yiri

Doonyahan oo ay saaran yihiin Kalluun ay si xatooyo ah Badda u gala bexeen ayaa la filayaa in sharciga la horgeeyo si looga qaado talabaada ku haboon.

Waxaa xusid mudan in hawal galkan ay hoggaaminaayeen Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Raasa-Casayr, Taliyaha qaybta gobolka G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen iyo  mas’uulyiin kale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Guddiga Goobta Shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxda Dakhliga ee gobolka Bari[Sawirro]

GAROOWE – Kulanka la Xisaabtanka Madaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari iyo Guddiga Goobta Shaqada ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.

Guddoomiyaha Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weyeliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga goobta shaqada ayaa shir guddoomiyey kulan u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari.

Kulankan oo loogu yeeray Maamulaha Cashuuraha Beriga,Maamulaha Kastamka Garoonka Diyaaradaha iyo Khasnajiyada Wasaaradda ee gobolka.

Kulankan wuxuu qayb ka ahaa sixidda shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka mas’uuliyinta heer gobol si horumar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah lana hirgaliyo talo soo jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu ka soo gud biyey gobolada Bari,Karkaar iyo Mudug.

Ugu dambayn Kalanka ayaa laysla qaatay in la saxo dhammaan khaladaadkii maamul ee horay u jiray si loo horumariyo hannanka shaqo ee dakhliga loona gaaro hiigsiga Xukuumadda ee kor u qaadida dakhliga gudaha dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More