Guddiga Goobta Shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxda Dakhliga ee gobolka Bari[Sawirro]

GAROOWE – Kulanka la Xisaabtanka Madaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari iyo Guddiga Goobta Shaqada ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.

Guddoomiyaha Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weyeliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga goobta shaqada ayaa shir guddoomiyey kulan u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari.

Kulankan oo loogu yeeray Maamulaha Cashuuraha Beriga,Maamulaha Kastamka Garoonka Diyaaradaha iyo Khasnajiyada Wasaaradda ee gobolka.

Kulankan wuxuu qayb ka ahaa sixidda shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka mas’uuliyinta heer gobol si horumar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah lana hirgaliyo talo soo jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu ka soo gud biyey gobolada Bari,Karkaar iyo Mudug.

Ugu dambayn Kalanka ayaa laysla qaatay in la saxo dhammaan khaladaadkii maamul ee horay u jiray si loo horumariyo hannanka shaqo ee dakhliga loona gaaro hiigsiga Xukuumadda ee kor u qaadida dakhliga gudaha dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland