Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee Qardho[Sawirro]

QARDHO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa safar iyo kormeer shaqo kusoo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Kormeerka wasiir ku xigeenka ayaa salka ku hayey dardargalinta dakhliga iyo horumarinta goobaha shaqada Wasaaradda si wax badan looga ogaado shaqada ay hayaan Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddu.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Boos ayaa Wasiirka halkaasi ku soo dhoweeyey, waxana uu la wadaagay shaqooyinka socda ee horumarka laga gaaray iyo qabadaha jira ee u baahan in la saxo.

Ugu dambayn Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda uga mahad-celiyay shaqooyinka wanaagsan ee ay shacabka u hayaan, Wuxuuna kula dardaarmay in lasii xoojiyo u adeegida bulshadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland