Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boggaadiyay Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Raasa-casayr[Sawirro]
BAREEDA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay Doonyo ay soo qabteen Ciidamada Booliska gobalka Raasa-Casayr gaar ahaan Ciidamada ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda.
Labadan doonyood ayaa laga leeyahay dalka Yeman sifo sharrci darro ahna uga Kalluumeysanayay Xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raasa-Casayr.
Agaasimaha Guud ayaa la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.
“Waxaan boggaadinayaa Saraakiisha ciidamada Booliiska gobolka Raasa-Casayr oo garab siinaya Ciidamada ilaalada cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda hawal galkan ay qaadeen si loo ilaaliyo khayraadka iyo dakhliga dowladda Puntland “
“Waxaan kula dardaar mayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Raasa-Casayr in ay laba jibaaraan dardargalinta dakhliga gobolka”..ayuu yiri
Doonyahan oo ay saaran yihiin Kalluun ay si xatooyo ah Badda u gala bexeen ayaa la filayaa in sharciga la horgeeyo si looga qaado talabaada ku haboon.
Waxaa xusid mudan in hawal galkan ay hoggaaminaayeen Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Raasa-Casayr, Taliyaha qaybta gobolka G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen iyo mas’uulyiin kale.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland