Category: Uncategorized

IMG_5063

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan dhex maray Dowladda iyo Dadweynaha Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa xalay ka qaybgalay kulan dhex maray Dowladda iyo dadweynaha Puntland.

Bulshada kulanka ka qayb gashay ayaa su’aalo ku weydiiyey Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee kulanka ka qayb galay loogana hadlay wax qabadyadii Xukuumadda.

Kulanka bulshada iyo Golaha Xukuumadda ayaa soconaya labo cisho kaasi oo u jeedkiisu yahay isla-xisaabtan daah-furan ku aadan waxqabadka Dowladda.

Read More
IMG_5037

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay madaxda Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyay Kulan ay la qaateen madaxda Wasaaradda.

Kulan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda. Agasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku simaha Xafiiska Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimayaasha Xafiisyada Dakhliga, Xisaabaadka guud iyo Miisaaniyadda waxana ay Wasiirada la wadaageen warbixin iyo dardargalinta Shaqada Wasaaradda oo guulo wax ku ool laga gaaray.

Ugu dambayn Wasiiradda ayaa Mas’uulyiinta kulan ka ka qaybgalay kula dardaarmay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta shaqooyiinka Wasaaradda.

Baaahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_5001

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Daah-furay Shirweynaha 1aad ee Bangiyada iyo Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa daah-furay Shirweynaha 1aad ee Bangiyada & Maaliyadda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, xubnaha labad Gole ee dowladda iyo Madaxda Bankiga Dowladda Puntland aayaa kulan ka qaybgalay.

Shirweynahan oo kii ugu horreeya ee Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland oo Puntland ka qabsooma ayaa waxaa soo agaasimay Bangiga Dowladda Puntland.

*Cinwaanka shirka sanadkan:*

➡️ *”Helitaanka iyo Ka Mid Noqoshada Adeegyada Maaliyadeed ee Puntland”*

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa:

– Sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada maaliyadeed ee laga heli karo Puntland

– Doorka bangiyada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda

– Horumarinta ka mid noqoshada dhaqaale ee bulshooyinka

Shirkan waa mid muhiim u ah kobaca dhaqaalaha Puntland iyo dhisidda nidaam maaliyadeed oo loo dhan yahay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4962

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Xafiisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee gudaha Dekedda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ay weheliyaan wefti ka socday labada gole ee dowladda Puntland, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xafiisyada cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo laga hirgeliyey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Xafiisyadan cusub ayaa loo dhisay si casri ah, isla markaana si buuxda loogu qalabeeyey agabkii iyo tiknoolajiyaddii lagama maarmaanka u ahayd shaqada dowladeed, gaar ahaan nidaamyada maaliyadeed iyo canshuuraha. Waxa ay noqon doonaan xarumo si ku-meel-gaar ah ugu wada shaqeeya Wasaaradaha Dowladda Puntland, iyada oo la sugayo dhismaha xarumo gaar ah oo u gaar ah hay’adaha kale ee dowladda.

Wasiirka Maaliyadda, oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka, ayaa sheegay in dhismahan uu ka mid yahay qorsheyaasha muhiimka ah ee Wasaaradda ee ku aaddan baahinta adeegyada maaliyadeed iyo sugidda maamulka dakhliga gudaha ee dowladda, isaga oo xusay muhiimadda dekedda Garacad ay u leedahay kobcinta dhaqaalaha Puntland.

“Xaruntaan cusub ee aan maanta xariga ka jaray waxay muujinaysaa ballanqaadka dowladda ee ku wajahan horumarinta xarumaha dowladeed ee salka ku haya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo maamul wanaagga,” ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Maxamed Faarax Maxamuud wuxuu xusay in qorshaha Wasaaradda uu yahay in dhammaan meelaha muhiimka u ah dakhliga dalka laga hirgeliyo xarumo rasmi ah oo u diyaarsan adeegyo casri ah oo lagula xisaabtamo ilaha dakhliga, lana kordhiyo wax-soo-saarka iyo hab-maamulka maaliyadeed.

Intaa kadib, Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda waxay kormeer rasmi ah ku tageen dhismaha warshadda kalluunka ee laga hirgelinayo Garacad, taas oo ay maalgelinayaan ganacsato deegaanka u dhashay. Warshaddan oo dhisayo si casri ah ayaa la filayaa in ay noqoto mid muhiim u ah horumarinta warshadaha kalluumaysiga, korna u qaado fursadaha shaqo ee dhalinyarada deegaanka, iyo sare u qaadista wax-soo-saarka dalka ee loo dhoofiyo suuqyada caalamiga ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4958

Wasiir Kuxigee ka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay aaladda fogaan-aragga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista dakhliga canshuuraha berriga.

Wasiirka waxaa shirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, waxaana ka soo qeyb galay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga, iyo dhammaan maamulayaasha Canshuuraha Berriga ee gobollada Puntland.

Shirkan oo si joogto ah u qabsooma 10-kii maalmoodba mar, ayaa looga gol leeyahay kormeerka iyo qiimeynta waxqabadka maamulka dakhliga, gaar ahaan horumarinta iyo meel-marinta qorshaha sanadeedka 2025.

Maamulayaasha Canshuuraha berriga ee gobollada ayaa madaxda kulanka la wadaagay warbixino faahfaahsan oo ku aadan waxqabadkooda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo fursadaha horumarineed ee jira. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo lagu xoojinayo habsami-u-socodka hawlaha maamulka canshuuraha.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay guulaha la gaaray, waxyaabaha aan weli la hirgelin, iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu xoojinayo hufnaanta, waxtarka, iyo wax-soo-saarka dakhliga gudaha, si loo gaaro yoolalka dhaqaale ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4900

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Kastamka dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud, oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimadka, Xannaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, Waxbarashadda, Wasiirudowlaha Madaxtooyadda, Wasiir kuxigeenka howlaha guud, Maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa maanta xariga kajaray dhismaha Cusub ee Kastamka dhexe ee Gaalkacyo Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug.

Munaasabadda xarrig jarka  dhismahan ayaa waxa faahfaahin ka baxshay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug mudane

Ismaaciil C/nuur Geesey, Isagoo sheegay in kharashka kubaxay dhismahan ay bixisay Wasaaradda Maaliyadda bulshadana loogu shaqayn doono, Wasiirkana Maaliyaddana uga mahadceliyey hirgalinta dhismayaasha Wasaaraddu ka wado Gobolka Mudug

Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa umahad ceshay xisaabiyaha Gobolka isagoo ku amaanay sidii uu uga shaqeeyey hirgalinta dhismahan iyo Hormarinta shaqada iyo Dakhliga Wasaaradda Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismahan iyo dhismaha wali socda ee xarrunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ay labadaba lacagta ku baxasay ay bixisay Wasaaradda Maliyadda oo ka bixinaysa cashuurta laga qaado dadweynaha reer Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliayadda iyo Mas’uulyiinta dawlada ayaa kormeeray goobo kala duwan oo ka mid yihiin Suuqa xerro dayax, Isbitaalka guud, Dugsiyada hoose dhexe ee Bardacad, ummadda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug, Qaybta Police-ka G/Mudug iyo Radio Galkacyo

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4845

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku yimid xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor oo ku jira kormeerka xarumaha Hay’adaha Dowladda, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa  warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, isagoo boggaadiyay dadaalka kor loogu qaadayo dakhliga, kobaca dhaqaalaha iyo dhiirigelinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa qeyb qeyb u booqday xafiisyada kala duwan ee xarunta Wasaaradda, wuxuuna si gaar ah u kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhiyay Wasaaradda Maaliyadda oo hadda meel gebo gebo ah maraya, isagoo tallaabadaasi ku boggaadiyay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Shirkada dhisaysa ee Gondogooye.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4817

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso xili Xoolo laga qaaday[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane  Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga magaalada Bosaso ayaa Fiidnimadii Caway booqaday Dekeda oo ay ka dhoofayeen Doonyo iyo Maraakiib qaadaya Xoolo.

Labo ka mid ah Maraakiibta waawayn ee xoolaha iyo Shan Doonyood ayaa qaadi doona in kabadan 80,000 oo neef una safari doono wadamada Dowladda Puntland xiriirka Ganacsi la leedahay ee

Sacuudi, Camaan iyo Yemen.

Munaasabadda dhoofka Maraakiibta iyo Doonyaha qaadaya coolaha waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha, Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Maxjarada Dowladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso waxaa ku jira xoolo aad ubadan oo isugu jira Geel, Lo, iyo Ari siwayna looga shaqeeyey daryeel kooda Caafimaad dhowaana ka dhoofi hadii Alle idmo doono Dekeda Bosaso.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqooyinka ka socda Dekada ee ay wadaan Madaxda Wasaaradda Dekedaha sidii ay ku dhoofilahaayeen xoolahan, sidoo kale Wasiirku waxa uu Mas’uulyiin iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ganacsatada loo fududeeyo cashuurista badeecadaha iyo xoolaha Dekada ka dhoofaya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4805

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Shir Fogaan arag ah la qaatay Madaxda Furdooyinka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir foogaan arag ah la yeeshay maamulka guud ee furdooyinka Dowladda Puntland.

Shirkan waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo dhammaan madaxda kastamyada Puntland.

Ujeedada kulanka ayaa looga wada-hadlay Barmuudada iyo kontarabaamka iyo qodobo kale , Waxaana lalayeeshay Maamulayaasha Furdooyinka ee Gobolada Puntland si loo helo nidaam daahfuran ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimo muhiim ah oo la xiriira dardargelinta hannaanka dakhliga, hirgelinta nidaamyo casri ah oo xisaabeed, iyo sidii looga hortagi lahaa bar-muudada.

Ugu dambeyntii, dhinacyada ka qeyb galay shirka waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta, lana hirgeliyo qorshe mideysan oo kor loogu qaadayo dakhliga dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4782

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Furdada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ahna kusimaha Xisaabiyaha Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo ay weheliyaan Mas’uulyiin ka tirsan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabaadka ayaa hawlo shaqo u gaaray Magaaladda Boosaaso.

Xisaabiyaha ayaa booqaday Xafiiska hubinta xisaabaadka waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta Xafiiska oo ay ka wada hadleen hormarinta shaqada Xisaabaadka Dowladda.

Sidoo kale Xisaabiyaha ayaa kormeer shaqo ku tagey Furdada Boosaaso waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka Gobolka Bari Mudane Maxamed Yuusuf Maxamuud kulan ay wada qaateen ayaa looga wada-hadlay

Ogaanshaha karsha iyo sax naanshihiisa ee ay qabtaan shaqalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Cali Jaamac Gaashaan Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ahna kusimaha Xisaabiyaha ayaa lafilayaa in uu booqasho dhanka shaqada ah ku tago Xafiisyada Xisaabaadka ee gobalad kale ee Dowladda Puntland.

 

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More