Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso xili Xoolo laga qaaday[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane  Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga magaalada Bosaso ayaa Fiidnimadii Caway booqaday Dekeda oo ay ka dhoofayeen Doonyo iyo Maraakiib qaadaya Xoolo.

Labo ka mid ah Maraakiibta waawayn ee xoolaha iyo Shan Doonyood ayaa qaadi doona in kabadan 80,000 oo neef una safari doono wadamada Dowladda Puntland xiriirka Ganacsi la leedahay ee

Sacuudi, Camaan iyo Yemen.

Munaasabadda dhoofka Maraakiibta iyo Doonyaha qaadaya coolaha waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha, Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Maxjarada Dowladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso waxaa ku jira xoolo aad ubadan oo isugu jira Geel, Lo, iyo Ari siwayna looga shaqeeyey daryeel kooda Caafimaad dhowaana ka dhoofi hadii Alle idmo doono Dekeda Bosaso.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqooyinka ka socda Dekada ee ay wadaan Madaxda Wasaaradda Dekedaha sidii ay ku dhoofilahaayeen xoolahan, sidoo kale Wasiirku waxa uu Mas’uulyiin iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ganacsatada loo fududeeyo cashuurista badeecadaha iyo xoolaha Dekada ka dhoofaya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland