Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Xafiisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee gudaha Dekedda Garacad[Sawirro]
GARACAD – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ay weheliyaan wefti ka socday labada gole ee dowladda Puntland, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xafiisyada cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo laga hirgeliyey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.
Xafiisyadan cusub ayaa loo dhisay si casri ah, isla markaana si buuxda loogu qalabeeyey agabkii iyo tiknoolajiyaddii lagama maarmaanka u ahayd shaqada dowladeed, gaar ahaan nidaamyada maaliyadeed iyo canshuuraha. Waxa ay noqon doonaan xarumo si ku-meel-gaar ah ugu wada shaqeeya Wasaaradaha Dowladda Puntland, iyada oo la sugayo dhismaha xarumo gaar ah oo u gaar ah hay’adaha kale ee dowladda.
Wasiirka Maaliyadda, oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka, ayaa sheegay in dhismahan uu ka mid yahay qorsheyaasha muhiimka ah ee Wasaaradda ee ku aaddan baahinta adeegyada maaliyadeed iyo sugidda maamulka dakhliga gudaha ee dowladda, isaga oo xusay muhiimadda dekedda Garacad ay u leedahay kobcinta dhaqaalaha Puntland.
“Xaruntaan cusub ee aan maanta xariga ka jaray waxay muujinaysaa ballanqaadka dowladda ee ku wajahan horumarinta xarumaha dowladeed ee salka ku haya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo maamul wanaagga,” ayuu yiri Wasiirku.
Mudane Maxamed Faarax Maxamuud wuxuu xusay in qorshaha Wasaaradda uu yahay in dhammaan meelaha muhiimka u ah dakhliga dalka laga hirgeliyo xarumo rasmi ah oo u diyaarsan adeegyo casri ah oo lagula xisaabtamo ilaha dakhliga, lana kordhiyo wax-soo-saarka iyo hab-maamulka maaliyadeed.
Intaa kadib, Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda waxay kormeer rasmi ah ku tageen dhismaha warshadda kalluunka ee laga hirgelinayo Garacad, taas oo ay maalgelinayaan ganacsato deegaanka u dhashay. Warshaddan oo dhisayo si casri ah ayaa la filayaa in ay noqoto mid muhiim u ah horumarinta warshadaha kalluumaysiga, korna u qaado fursadaha shaqo ee dhalinyarada deegaanka, iyo sare u qaadista wax-soo-saarka dalka ee loo dhoofiyo suuqyada caalamiga ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland