Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay xarunta Dakhliga ee Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda Xarunta dhexe ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.
Kormeerkan shaqo Agaasimaha guud waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga iyo Xisabiyaha Wasaardda Maaliyada ee gobolka Nugaal.
Agaasimaha guud ayaa Kulamo uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Xafiisyada uu booqaday kala hadlay habsami u socodka shaqooyinka ay hayaan iyo wax ka ogaanshaha baahiyaha ka jira in ay soo gud biyaan si wax looga qabto.
Agaasimaha guud waxa uu booqaday Xafiisyada ay ka hawl galaan shaqaalaha dakhliga, Xafiiska Xisaabiyaha gobalka Nugaal,Xafiiska Xisaabiyaha Gobalka Sool, Qaybta Xisaabaadka, sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ilaalada canshuuraha Booliska Gobolka Nugaal.
Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda waxaana uu shaqaalaha Wasaaradda la wadaagay in la geli doono ollole kor loogu qaadi doono dakhliga loona baahan yahay dadaal dheeri ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland






























GAROOWE – Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Dakhliga.






















GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo joogto ah la lahaa qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta la kulmay Xafiiska Xisaabaadka guud.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed
Baahintii 
GAROOWE – Agaasime guud ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mukhtar Cabdi Faarax, Maamulaha Cashuuraha beriga Sharma’ake Maxamed Warsame Iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda ayaa kormeer ay ugu kuurgalaayaan habsami u socodka shaqada Ku tagey Kastamkada ku yaalla kantaroolada Magaalada Garowe.



















GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayna weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyay kulanka sadex biloodka ee waaxyaha Wasaradda oo maanta xogtooda ku soo bandhigeen waaxda Maamulka iyo Maaliyadda.
Baahintii 
GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda oo shir gudoomiyay shirka sadex biloodka ah ee waaxyaha Wasaradda waxaana maanta xogtooda
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland
Baahintii 
GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey horumarinta dakhliga.


























GAROOWE – Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshaynta ayaa yeeshay Kulan ay kaga 

















