QARDHO – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo u weheliyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa maanta booqday xeradda ciidamada xorgoble ee magaalada Qardho. Booqashada sidoo kale waxaa ku weheliyay maamulka gobolka Karkaar,kan degmada, taliska qaybta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland. […]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka iyo Guryeynta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garoowe. Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Howlaha guud ee Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland ayaa looga wadahadlay habka qaadista cashuurta iyo taargooyinka gaadiidka. Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Wasiirka Howlaha guud ee gaadiidk iyo guryeynta Puntland Axmed Bashiir […]
QARDHO – Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa gaaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka amniga Cabdisamad Maxmed Galan,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ,Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Puntland Mahdi Farax Qambi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Safarkan ayaa ahaa mid shaqo oo ku aadan gobolka Karkaar gaar […]
GAROOWE – Maanta oo ay taariikhdu tahay 04.01.2020 ayaa Wasaaradda Maaliyadda bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha Dhexe iyo kuwo yaryar. kuwaas oo qiyaasteeda dhan tahay  3000 (seddex kun oo meheradood) canshuur bixiye oo ay dhamaantood ku yaalaan magaalada Garoowe. Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay ololahaas wadaysa muddo dhan labo todobaad. Ugu horeyn waxa kulankaas […]
SOOL – Kastamka Falaryaale ee gobolka Sool waxaa kulan ku yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Sool iyo Nugaal ee Puntland. Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlay xoojinta dakhliga iyo wada shaqaynta mas’uuliyiinta labada gobol. Mas’uuliyiinta kulankaasi wada qaatay waxaa kamid ahaa Agaasime guud kuxigeenka Maamulka Keenadiid Cali Jaamac, Agaasime ku xigeenka guud ee dakhliga […]
GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ay ku leedahay Caasimada Puntland ee Garoowe waxaa ka dhacay Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Mas’uuliyiintii hore iyo mas’uuliyiin dhowaan uu soo magacabay Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi. Xaflada xilwareejinta waxaa kasoo qaybgalay Agaasime kuxigeenka guud ee Maamulka Keenadiid Cali Jaamac, Agaasime kuxigeenka guud dakhliga Abshir […]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacaabay Xisaabiyaha gobolka Nugaaal iyo kuxigeenkiisa. Abdiwali Hassan Nuur ayaa loo magacaabay xisaabiyaha gobolka Nugaaal, Abdiwali ayaa ah aqoonyahan wax kasoo bartay dalka Itoobiya aagoo haysta darajada labaad ee Waxbarashada Masters-ka. Sidoo kale , Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa magacaabay Maamulaha […]
BOOSAASO – Maamulaha Furdooyinka Maxamed Yuusuf ayaa tababar dhanka Cashuuraha ah usoo xiray qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Sanaag. Xaflada shaado gudoonsiinta waxaa kasoo qaybgalay madaxda Wasaaradda Maaliyadda qaybta Furdooyinka iyo Mas’uuliyiin kale. In kor loo qaado aqoonta shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda qaybta Cashuuraha waa mid ay si wayn ugu taamayaan madaxda Wasaaradda […]
BOOSAASO – Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam ayaa daahfuray habka casriga ah ee dhanka xisaabaadka Computerized ee loo yaqaan Financial Management Information System [FMIS] lagana hirgalinaayo Dawladda Hoose ee Boosaaso. Mashruucan waxaa maalgalinaya Bangiga adduunka, waxana fulinaaya Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ee PFM si horumar looga sameeyo dhanka xisaabaadka. Daahfurkan waxaa ku lamaansanaa aydoo qaybo […]
BOOSASO – Xarunta Dawladda Hoose ee degmada Boosaaso ayaa laga hirgalinayaa habka casriga ah ee dhanka xisaabaadka Computerized ee loo yaqaan Financial Management Information System [FMIS]. Xarunta Dawladda hoose waxaa gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan Xafiiska PFM ka waxana ay kulan la qaateen mas’uuliyiinta degmada oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha,Xoghayaha iyo […]