Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.
Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirudowlaha Wasaaradda,Wasiirku xigeenka Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaaradda.
Kulanka ayaa intii uu socday Agasimayaasha waaxyuhu soo badhigeen shaqooyinka laqabtay ee horumarka laga sameeyey, kuwa harsan ee aan laqaban iyo qorshayaasha dagsan ee dhanka shaqada Wasaaradda.
Wasiirka ayaa boggaadiyey dhammaan shaqooyinka horumarka laga sameeyey ee Wasaaradda kuna ad keeyey Agaasimayaasha waaxyaha in ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan qabashada shaqooyinka hortebinta leh ee Wasaaradda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland


GAROOWE – Madasha la latashiga Dadwayanaha ee Miisaaniyadda Dowladda Puntland
Kulankan waxaa ka qayb galay
















































































































GAROOWE – Ciidamada ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal oo muddo ku jiray tababar ayaa ugu dambayn loo soo gabagabeeyey.
Baahintii 
QARDHO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa safar iyo kormeer shaqo kusoo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.


























BAREEDA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay Doonyo ay soo qabteen Ciidamada Booliska gobalka Raasa-Casayr gaar ahaan Ciidamada ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii 











































































































































