Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo uu weheliyo Wasiirudowlaha Wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Garoonka iyo xarunta Cashuuraha Berriga.

Kormeerka shaqo ee Wasiirka iyo Wasiirudowlaha waxaa ku weheliyey mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirada ayaa ugu horayn booqday Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulaha Kastamka oo uga warbixiyey shaqooyinka socda ee ay ka mid yihiin cashuurista badeecadaha ay wadaan Diyaaradaha wada kaargooga waxana ay booqdeen xafiisyada.

Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Sheikh Ciid ayaa sidoo kale booqaday xarunta cashuuraha berriga iyo Xafiiska yada Wasaaradda.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Yuusuf Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirada xog dheeri ah ka siiyey heerka dakhliga, xogta shaqaalaha iyo horumarka laga sameeyey dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland