
Madaxeynaha Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]
GAROOWE – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa maanta Madaxtooyada kulan kula qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa Miisaaniyadda 2027, iyo sidii looga gaashaaman lahaa saameynta Colaada Bariga dhexe ay ku yeellan karto, guud ahaan dhaqaalaha Puntland gaar ahaan Miisaaniyadda Dowladda ee 2027.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sare u qaadidda ilaha dakhliga Dowladda Puntland iyo hufnaanta Maamulka Maaliyadda, waxaana Shirka lagu go’aamiyay laba Guddi farsamo oo kala shaqeynaya Wasaaradda Maaliyadda arrimaha Dakhliga iyo Kharashaadka.

![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Diyaarinta Miisaaniyadda Puntland ee sanadka 20206[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/10/IMG_8658-150x150.jpeg)
![Wasiirka Maiyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Guddiga ka tala-bixinta Dakhliga iyo Kharashaadka Dowladda Puntland[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8713-150x150.jpeg)

