IMG_4361

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Xafiiska Xisaabaadka guud ee Wasaaradda[[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo joogto ah la lahaa qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta la kulmay Xafiiska Xisaabaadka guud.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Madax qaybeedyada Xafiiska Xisaabaadka.

Mas’uulyiinta Xafiiska Xisaabaadka guud ayaa Madaxda Wasaaradda uuna hoggaaminaayo Wasiirka la wadaagay warbixinta wax qabadkii sanadkii 2024 tii, Shaqooyinka socda ee dhanka Xisaabaadka sanadka 2025 iyo xalinta caqabadaha jira.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyay waxqabadka Xafiiska Xisaabaadka guud hawlaha muhiimka ah ee uu u hayo Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4311

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhagegstay Waaxda Qorsheynta, Tababarada iyo Tirakoobka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed  ayaa shir gudoomiyey maanta Shirka Waaxda Qorsheynta, Tababarada iyo Torakoobka Wasaaradda Maaliyadda ku soo bandhigeen shaqooyinka ay soo qabteen.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasime guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababarada iyo Madax qaybeedyada Xafiiska Waaxda qorshaynta.

Waaxda Qorsheynta ayaa halkaasi ku soo bandhigay wax qabadkoodkii, Sadexdii bilood ee la soo dhaafay oo ay ka mid yihiin

1. Warbixinta Istaatistikada 2024,  oo xooga lasaareynay dhammaan Badeecada Ganacsi ee  yimaada Puntland 2024, iyo Kuwa ka dhoofa Puntland isla sanadkaas (Import & export).

2. Warbixinta Qiimeynta  waxqabadka Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland 2024.

3 Qorshaha Wasaaradda 2025. Qorshahaas oo Diirada Saaraya Sare u qaadida Dakhliga, Tayeynta Maamulka Maaliyadda, Xoojinya Isla xisaabtanka dhammaan shaqada Wasaaradda.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaxda Qorshe howleedka Waaxda Qorsheynta Wasaaradda Maaliyadda ee ay soo badhigeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4320

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka iyo Kantaroolka Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime guud ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mukhtar Cabdi Faarax, Maamulaha Cashuuraha beriga Sharma’ake Maxamed Warsame Iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda ayaa kormeer ay ugu kuurgalaayaan habsami u socodka shaqada Ku tagey Kastamkada ku yaalla kantaroolada Magaalada Garowe.

Mas’uuliyiinta ayaa si gaara u qiimaynaayey sida uu u socdo nidaamka cusub ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ku casriyeysay cashuuraha gaadiidka, waxaana Shaqaalaha ka hawlgala goobahan ka dhagaysteen  sida ay u socoto shaqadu.

Ugu danbayn Agaasimaha ayaa shaqaalaha faray inay shaqada sii labba jibaaraan bulshada cashuur bixiyaha ahna soo dhoweeyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4289

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shir Waxqabadkoodka kusoo bandhigeen Waaxyaha Maamulka iyo Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayna weheliyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyay kulanka sadex biloodka ee waaxyaha Wasaradda oo maanta xogtooda ku soo bandhigeen waaxda Maamulka iyo Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan,

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Cali Jaamac iyo Madax qaybeedyada hoostaga waaxda Maamulka.

Agasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Cabdifataax Cali Jaamac ayaa madaxda Wasaaradda la wadaagay in xafiisyada ay xukumaan madax qaybeedyadu soo diyaariyeen xogihii looga baahanaa.

Xafiisyo gaaraya ilaa sideed ayaa madax- qaybeedyadoodu madaxda Wasaradda Maaliyadda u soo badhigeen shaqooyiinka ay soo qabtaan ee horumarka laga gaaray, shaqooyinka socda iyo dardargelin guud ee ay ka wadaan dhanka shaqad..

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa bogaadiyey soo jeedinta Madax qaybeedyada waxana uu sheegay in loo baahan yahay dadaal shaqo oo dheeri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4273

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Shir Guddoomiyay Kulanka Saddex Biloodka ee Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda oo shir gudoomiyay shirka sadex biloodka ah ee waaxyaha Wasaradda waxaana maanta xogtooda ku soo bandhigay waaxda miisaaniyadda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda iyo Madax qeybeedyada Waaxda Miisaaniyadda.

Agasimaha Waaxda Miisaaniyadda Wasaradda Maaliyadda Cabdisamad Cawad Cismaan ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay wixii u qorsheysnaa sadexda bilood ee la soo dhaafay, waxa u hirgalay iyo waxa  u qorsheysan sadexda bilood ee soo socota April – june 2025

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey xogaha ay soo badhigeen Xafiiska Miisaaniyadda waxaana uu faray in loo diyaar garoobo qabashada shaqooyinka soo socda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4244

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland  oo ay waheliyaan Wasiir ku-xigeenka Maamulka iyo Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay horumarinta Dakhliga.

Shirka oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee

Dowladda, Agaasimaha waaxda Cashuuraha Beriga, ,Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo Mas’uulyiin kale.

Inta uu socday kulanka ayaa Wasiirka waxaa warbixin guud laga siiyay 3da bilood ee sanadka 2025 dakhliga horumarka laga gaaray, caqabadaha jiray iyo sidii loo horumarin lahaa ilaha dakhliga.

Wasiirka Wasaradda Maliyadda Dowlada Puntland ayaa madaxda ku boogadiyay qaabka shaqadu ay u wadan waxana uu xusay in la sameeyo dadaalo dheeri ah oo ku aadan kobcinta dakhliga iyo joogtaynta kormeerada xarumaha guud ee Dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4160

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey horumarinta dakhliga.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Agaasime Ku-xigeenka guud dakhkiga, Agasimayasha waaxyaha dakhliga, Xisabiyayaasha gobolada Sool iyo Nugaal, saraakiisha iyo madax qaybeedyada dakhkiga, Hoggaanka turbotariyada iyo taliyaha qaybta turbotariyada gobolka Nugaal.

Intii uu socday kulankan ayaa looga hadlay Qorshaha Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda sanada 2025 ee bilaha Jan , February iyo March wixii ka qabsoomay iyo hadii ay jiraan kutalagalkaas dakhli ee u qorshaysnaa Wasaradda kuwo la gaari waayay, sidii loo xaqiijin lahaa in la gaaro qorshaha la dajiyay 2025 iyo ku talaabsashada ilo dakhli oo cusub.

Kulankan ayaa ugu dambayn ku soo gabagaboobay is afgarad iyo in la sameeyo dadaalo wax ku ool ah oo ku aadan dhanka wax soo saarka dakhliga , si loo xaqiijiyo himilooyinka horumarineed iyo difaaca dhulkeena oo u baahan in dhammaan bulshada Puntland isku meel looga soo wada jeesto.

“Muwaadin bixi canshuurta si loo gaaro Himilooyinka horumarineed ee u dagsan Dowladda iyo Shacabka Puntland”

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4130

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Dowladda Puntland oo Kulan kaga hadlay Cashuuraha ku waajibay Shaqaalaha UN-ka,NGOs ee Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshaynta ayaa yeeshay Kulan ay kaga hadleen Cashuuraha ku waajibey Shaqalaha ka hawl gala UN, NGO, kuwa Maxaliga iyo mashaariicda dalka laga fulinaayo.

Kulankan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal, Agaasimaha waaxda deeqaha Dibadda, Agsaaimaha waaxda Xiriirka Hay’addaha ee Wasaaradda qorshaynta, Agaasime Ku-Xigeenka Waaxda deeqaha Dibadda Wasaaradda Maaliyadda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan labadda Wasaaradood.

Kulankan ayaa siwayn looga hadlay System-ka Cashuur bixinta dowladda Puntland iyo Shaqaalaha ka hawl gala Hay’adaha in ay bixiyaan cashuurtii ku waajibtay, iyaga oo maraya system dowladda ee PFMIS.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay faray in ay bixiyaan Cashuuraha ku waajibey Shaqaalaha ushaqayeeya, waxana sidoo kale uu kula dardaarmay shaqaalaha labadda Wasaaradood in la dardargelyo Dakhliga dowladda Puntland.

Xafiiska ICT-ga Wasaaradda Maaliyadda ayaa halkaasi ku soo bandhigay tababar kooban oo ku aadan system ka cashuur bixiyaha Payroll tax iyo Registration Certificate oo loogu tala galay in loogu shaqeeyo bixinta Cashuuraha, si loo helo hufnaan.

Ugu dambayn kulankan ayaa la isku afgartay xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4068

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Goobaha dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada  bosaso ayaa kormeer shaqo ku tegey goobaha dakhli soo saarka ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha ayaa kulan la qaatay Mas’uulyiinta goobaha uu booqday oo ay ka mid yihiin kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka diyaaradaha, Bangiga Dowladda laanta Boosaaso iyo Xarunta Ciidamada ilaalada canshuurah.

Maamulaha kastamka Garoonka iyo Taliyaha laanta ilaalada cashuuraha ayaa Agasimaha Guud uga warbixiyey hannanka shaqo ee socda iyo sida ay usoo xereeyaan Dakhliga, ayna ku hawlan yihiin dadaal dheeri ah iyo ushaqaynta bulshada cashuur bixiyaha ah.

Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boqday Bangiga Dowladda Puntland laanta Boosaaso

oo loo dhisay haab casri ah waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta Bangiga waxana ay ka wada hadleen hawlaha shaqo ee ka dhexeya bankiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xaafiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
IMG_4054

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda iyo Dekadda Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle uuna weheliyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo xarunta cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Agasimaha ayaa booqaday Xafiisyada Wasaaradda ee ay ku sugan yihiin madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda xili ay ku guda jireen shaqo maalmeedkoodii.

Madaxda goobaha shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ee ay ka mid yihiin Maamulaha Cashuuraha beriga Yuusuf Maxamed Yuusuf iyo Maamulaha Kastamka dekedda Maxamed Yuusuf maxamuud ayaa Agasimaha Guud la wadaagay  qorshayaasha hirgay ee horay loogu soo badhigay kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda iyo heerka dakhliga maalin laha ah ee ay xereeyaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo la hadlay madaxda iyo shaqaalaha ayaa sheegay in laga sugaayo dakhligii dalka lagu Difaaci lahaa laguna hormarin lahaa loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More