Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhagegstay Waaxda Qorsheynta, Tababarada iyo Tirakoobka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed  ayaa shir gudoomiyey maanta Shirka Waaxda Qorsheynta, Tababarada iyo Torakoobka Wasaaradda Maaliyadda ku soo bandhigeen shaqooyinka ay soo qabteen.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasime guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Agasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Tababarada iyo Madax qaybeedyada Xafiiska Waaxda qorshaynta.

Waaxda Qorsheynta ayaa halkaasi ku soo bandhigay wax qabadkoodkii, Sadexdii bilood ee la soo dhaafay oo ay ka mid yihiin

1. Warbixinta Istaatistikada 2024,  oo xooga lasaareynay dhammaan Badeecada Ganacsi ee  yimaada Puntland 2024, iyo Kuwa ka dhoofa Puntland isla sanadkaas (Import & export).

2. Warbixinta Qiimeynta  waxqabadka Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland 2024.

3 Qorshaha Wasaaradda 2025. Qorshahaas oo Diirada Saaraya Sare u qaadida Dakhliga, Tayeynta Maamulka Maaliyadda, Xoojinya Isla xisaabtanka dhammaan shaqada Wasaaradda.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaxda Qorshe howleedka Waaxda Qorsheynta Wasaaradda Maaliyadda ee ay soo badhigeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland