Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay Kastamka iyo Kantaroolka Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime guud ku-xigeenka dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi oo ay weheliyaan Xisaabiyaha gobalka Nugaal Mukhtar Cabdi Faarax, Maamulaha Cashuuraha beriga Sharma’ake Maxamed Warsame Iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda ayaa kormeer ay ugu kuurgalaayaan habsami u socodka shaqada Ku tagey Kastamkada ku yaalla kantaroolada Magaalada Garowe.

Mas’uuliyiinta ayaa si gaara u qiimaynaayey sida uu u socdo nidaamka cusub ee ay Wasaaradda Maaliyaddu ku casriyeysay cashuuraha gaadiidka, waxaana Shaqaalaha ka hawlgala goobahan ka dhagaysteen  sida ay u socoto shaqadu.

Ugu danbayn Agaasimaha ayaa shaqaalaha faray inay shaqada sii labba jibaaraan bulshada cashuur bixiyaha ahna soo dhoweeyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland