Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Shir Guddoomiyay Kulanka Saddex Biloodka ee Waaxyaha Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland uuna weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Maaliyadda oo shir gudoomiyay shirka sadex biloodka ah ee waaxyaha Wasaradda waxaana maanta xogtooda ku soo bandhigay waaxda miisaaniyadda.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda iyo Madax qeybeedyada Waaxda Miisaaniyadda.

Agasimaha Waaxda Miisaaniyadda Wasaradda Maaliyadda Cabdisamad Cawad Cismaan ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay wixii u qorsheysnaa sadexda bilood ee la soo dhaafay, waxa u hirgalay iyo waxa  u qorsheysan sadexda bilood ee soo socota April – june 2025

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey xogaha ay soo badhigeen Xafiiska Miisaaniyadda waxaana uu faray in loo diyaar garoobo qabashada shaqooyinka soo socda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland