Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Xafiiska Xisaabaadka guud ee Wasaaradda[[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo joogto ah la lahaa qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta la kulmay Xafiiska Xisaabaadka guud.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Madax qaybeedyada Xafiiska Xisaabaadka.

Mas’uulyiinta Xafiiska Xisaabaadka guud ayaa Madaxda Wasaaradda uuna hoggaaminaayo Wasiirka la wadaagay warbixinta wax qabadkii sanadkii 2024 tii, Shaqooyinka socda ee dhanka Xisaabaadka sanadka 2025 iyo xalinta caqabadaha jira.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyay waxqabadka Xafiiska Xisaabaadka guud hawlaha muhiimka ah ee uu u hayo Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland