
Agaasime Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha[[Sawirro]
GAROOWE – Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Abdiqaadir Axmed
Xaashi ayaa maanta Tababar u furay shaqaalaha Xafiiska Dakhliga iyo Ciidanka ilaalada Canshuuraha iyo qaybo ka mid shaqaalaha ka hawlgala Dakhliga.
Furitaanka tababarka waxaa goob-joog ka ahaa Agaasimaha Cashuuraha Beriga iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Ujeedka tababarka ayaa ah in shaqaalaha Dakhliga iyo Ciidanka ilaalada Canshuuraha la baro Baarista Cashuuraha (Tax Audit) hababka dabagalka cashuuraha iyo nidaamyada saxda ah ee loo maro baarista cashuuraha, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha.
Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga ayaa sheegay in tababarkani uu muhiimad weyn u leeyahay horumarinta awoodda shaqaalaha iyo Ciidamada iLaalada cashuuraha isagoo ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si buuxda uga faa’iidaystaan muddada uu tababarku socdo.
Waxaa xusid mudan in Casharrada tababarkan loo qabtay Ciidamada illaalada cashuuraha iyo shaqaalaha ka hawlgala Dakhliga uu bixinayo Madaxa Hoggaanka Cashuuraha Maxamed Ilka-case.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey Kastamka Dekedda Boosaaso[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8099-150x150.jpeg)

