
Guddiga Golaha Wasiirada u qaabilsan Horumarinta Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha Dowladda Puntland oo shir ku yeeshay xarunta W/Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]
GAROOWE – Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta lagu qabtay shir looga hadlayay diyaarinta qorshayaasha mudnaanta leh ee Guddiga Golaha Wasiirrada u qaabilsan Horumarinta Dhaqaalaha iyo Kaabayaasha ee Dowladda Puntland.
Shirka oo uu guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha mudnaanta leh, hawlaha bilaha ah ee wasaaraddaha, waxqabadka la gaaray iyo caqabadaha jira, iyadoo xoogga la saaray dardargelinta horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.






















![Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8807-150x150.jpeg)
![Madaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay gobolada[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8882-150x150.jpeg)

