
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga.
Wasiirka kulankan waxaa ku weheliyay Wasiir ku-xigeenka Maamulka Mudane Axmed Yaasiin Saalax, Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Mudane Maxamed Maxamuud Arbac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle
iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan intii uu socday ayaa MMadaxda Dakhligu soo badhigeen heerka dakhliga, goobaha uu ka soo xarooda, iyo aragti cusub oo ku aadan dakhli abuurka kale ee la hirgelin karo.
Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo halkaasi ka hadlay ayaa xusay in ay muhiim tahay sidii loo samayn lahaa koror Dakhli si loo daboolo baahiya jira Dowladduna ugadato waajibaadkeeda shaqo ee dalka.
Ugu dambeyntii shirkan ayaa lagu kala qaatay go’mo ku aaddan dhanka shaqada iyo dardargalinta dakhliga guud ahaan Gobolada dalka.

Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka qaybgalay Kulanka Ansixinta Daraasaada Maaliyadda Islaamiga[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/11/IMG_8791-150x150.jpeg)

