1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa daahfuray kulan ay yeesheen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin
sidii loo dhaqan galin lahaa Miisaaniyadii dhowaan ay ansixiyeen Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Dardargalinta dakhliga iyo sidii loo soo xerayn lahaa dakhliga Miisaaniyadda ku jira Agaasimayaasha Wasaaraduhuna qayb tooda uga qaadan lahaayeen.

U diyaar garowga, soo dalbashada miisaaniyadda 2025-ka Agaasimayaasha guud qorshayaashooda iyo dalbkooda sidii ay u keensan lahaayeen.

Sidii dib u hayn loogu samayn lahaa adeegyada Dowladda ee ay soo dalban jireen Wasaaraddaha Dowladdu iyadoo laga duulayo, talo soojeedinta Hantidhawrka Guud ee Dawladda.

Dhammaan qodobadan ayaa Agaasimayaasha Wasaaraduhu si wayn uga doodeen sida ugu dhow ee looga shaqayn karo hawla horyaala.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxgeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarunta dakhliga ee Wasaaradda[Sawirro]

GAR0OWE- Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Madaxda dakhliga oo ay ka mid yihiin Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha furdooyinka, Agaasimaha Waaxda deeqaha caalamiga ,Agaasimaha Cashuuraha Berriga iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyey shaqooyinka socda ee horumarka laga sameeyey kor u qaadida dakhliga iyo caqabadaha jira ee dhanka shaqada una baahan in la xaliyo.

Ugu dambayn Wasiir Axmed Maxamed Bulxan ayaa boggaadiyey horumarka laga saneeyey dhanka shaqada iyo kor u qaadida dakhliga dalka, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay caqabadaha dhanka shaqada ah in la xalin doono balse loo bahaan yahay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Waaxyaha Waasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Kuxigeenada Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Mudane Eng. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa kulan horumarinta shaqada Wasaaradda ah la yeeshay mas’uuliyiinta Waaxyaha Wasaaradda.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha Waaxda Maamulka, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Madax qaybeedyada Wasaaradda.

Mas’uuliyiinta Waaxyaha ayaa soo bandhigay waxqabadkii lixdii bilood ee la soo dhaafay horumarkana laga sameeyay iyo qorshayaasha dagsan ee la qaban doono July-Dec 2024-ka.

Wasiirka ayaa boggaadiyey dhammaan shaqooyinka Wasaaradda ee horumarkana laga sameeyey ayna muhiim tahay dardar gelinta dhamaystirka qorshayaasha degsan.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa madaxda iyo Shaqaalaha Waaxyaha kula dardaarmay in laga wada shaqeeyo sidii loo dardargalin lahaa shaqada Wasaradda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dawladda Puntland

Read More
1 (1)

Shir ku saabsan Kicinta Iyo Dardargelinta Hay’adda Qandaraas bixinta oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Shir ku aadan kicinta iyo dardargelinta shaqada Hay’adda qandaraas bixinta ayaa maanta ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Puntland.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Hantidhawrka guud, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Ku-simaha Guddoomiyaha Hay’adda Qandaraas bixinta, Agaasime Kuxigeenka guud dakhliga, agaasimaha waaxda maamulka hay’adda qandaraas bixinta, agaasimaha waaxda cashuuraha beriga iyo xisaabiyaha gobalka Nugaal.

Shirka intii uu socday ayaa si wayn looga dooday sidii Hay’adaha Dowladdu si wada jir ah uga qayb gaadan la hayeen dardargalinta dakhliga ayadoo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah halkaasi laga soo jeediyay.

Ugu dambayn Shirka ayaa loo saaray gudi ka kooban Madaxtooyada, Hantidhawrka guud, Hay’adda qandaraas bixinta, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Qorshaynta kuwaas oo kulamo joogta ah ka yeelan doona sidii Loo dar-dargelin dakhliga dalka ayna hay’adu hu qaadan lahaayeen doorkeeda shaqo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland Iyo Guddiga Dhaqaalaha&Xisaabaadka ee Baarlamaanka oo kulan yeeshay[Sawirro]

GAROOWE- Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa kulan la yeeshay Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee GolLaha Wakiillada Dawladda Puntland.

Guddiga waxaa kulan la yeeshay Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir ku xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Dhowaan ayaa madaxda Wasaaradda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladdu Gollaha hor geeyeen Xisaab-xirka Sannad-Maaliyadeedkii 2023 Gollaha Baarlamaankuna ay ku guda jiraan akhriska Xisaab-xirka.

Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka ee Gollaha Baarlamaanka ayaa su’aalo la xiriira Xisaab-xirka 2023 waydiiyey Madaxda Wasaaradda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud, iyagoona uga jawaabay Dhammaan su’aalahii Guddigu waydiiyey.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo uga mahadcelisay Baarlamaanka Puntland Ansixinta Miisaaniyadda July-December 2024[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland uga mahad celinaysaa Ansixinta Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July ilaa -December) 2024.

Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen ayaa dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar).

Dhowaan Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa horgeeyey Gollaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024. akhris dheer iyo doodo ka dibna Gollahu maanta ay ansixiyeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Madaxda Maaliyadda Puntland iyo Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha Iyo Xisaabaadka Baarlamaanka oo kulan ku yeeshay Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Maaliyadda,Dhaqaalaha & Xisaabaadka Gollaha Wakiilladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda ee Guddiga la kulamay waxaa ka mid ah Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka dakhliga Wasaaradda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Agaasimeyaasha waaxyaha qaybo ka mid iyo Mas’uulyiin kale.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee la kulmay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollaha ayaa la waydiiyey su’aalo la xiriira Miisaaniyadda Dowladda oo dhowaan la hor geeyey Gollaha, mas’uulyiinta Wasaaradda Maaliyadduna uga jawaabeen dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen Guddigu.

Waxaa xusid mudan in Guddiga Maaliyada,Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollahu ay akhriskii 2-aad ku sameeyeen Miisaaniyadda 6-da bilood (June-December) 2024 Gollaha guud ee Baarlamaankana hortaalo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (18)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo dhul kala wareegtay Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Garoomada Puntland[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa dhul kala wareegtey Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland.

Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir waxaa gaaray wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Furdooyinka, Xisaabiyaha Gobolka Nugaal iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasiirudowlaha Wasaaradda,Agaasimaha guud ee Wasaaradda iyo Mmas’uulyiin kale ayaa Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha si ay dhulkaaasi ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda.

Ku wareejinta dhulka Wasaaradda Maaliyadda ayaa timi ka dib markii Kastamka Wasaaraddu u baahday goob lagu xafido alaabada kaargooga ee Cashuurista ka daahay taasi oo baahi wayn Wasaaradda u qabtay.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Mudane Cabdulaahi Bile Nuur ayaa Wasiirka Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ku wareejiyay dhulkan.

Maxamed Faarax Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ayaa uga mahad celiyey Madaxda Wasaaradda Duulista Hawada bixinta dhulkan, waxana uu ballan qaaday in ay si dhakhso ah u dhisi doonaan hadii alle idmo.

Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (20)

Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Baarlamaanka horgaysay Misaaniyadda June-December,2024[Sawirro]

GAROOWE- Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Gollaha Baarlamaanka Puntland horgaysay Miisaaniyadda Lixda bilood ee (June-December) 2024, taasi oo dhan $207,009,112 (Labo boqol iyo todoba milyan,sagaal kun,boqol labo iyo toban Dollar).

Gollaha waxaa shir Guddoomiyey Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada oo ay weheliyaan labada Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda waxaa hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyaan Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenada Wasaaradda, Agaasimaha guud, Agaasime guud ku xeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud, Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda iyo Mas’uulyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa khudbad uu ka jeediyey Gollaha, waxa uu ku faah-faahiyey Miisaaniyadda Dowladda Sannadka ee lixda bilood, taas oo bilaabneysa dhaqan-galkeeda 1-da July 2024, kuna eg December 31,2024.

Xildhibaannada Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa loo qeybiyey Miisaaniyadda si ay ugu soo sameeyaan akhriska 2aad, waxaana dib Golaha loogu soo celinayaa maalinta Axada 30/06/2024.

Waxaa xusid mudan in miisaaniyaddu korortay 10% marka la barbardhigo lixda bilood ee hore.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (17)

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Guddiga Dardargelinta Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga dardargelinta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka kulanka waxaa ku weheliyey Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle iyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi.

Guddiga kicinta dakhliga ayaa loo diray gobolada Bari, Karkaar iyo Mudug, Guddigaasi oo ka shaqaynayey kor u qaadista dakhliga, abuurista ilaha dakhli ee aan la qaadin iyo daboolida dakhliyada aan loo qaadin sidii saxda ahayd.

Safarkii gobolada iyo shaqooyiinkii ay soo qabteen guddigaasi waxa ay la wadeegeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyagoo dhammaana shaqooyinkii ay u baxeen ka soo hooyiyey guulo wax ku ool ah.

Waxa xusid mudan in Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ka go’an tahay dardar gelinta dakhliga iyo in kormeer joogta ah lagu sameeyo goobaha Dhakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More