Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradaha Puntland[Sawirro]
GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa daahfuray kulan ay yeesheen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Dowladda Puntland.
Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, waxaana looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin sidii loo dhaqan galin lahaa Miisaaniyadii dhowaan ay ansixiyeen Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.
Dardargalinta dakhliga iyo sidii loo soo xerayn lahaa dakhliga Miisaaniyadda ku jira Agaasimayaasha Wasaaraduhuna qayb tooda uga qaadan lahaayeen.
U diyaar garowga, soo dalbashada miisaaniyadda 2025-ka Agaasimayaasha guud qorshayaashooda iyo dalbkooda sidii ay u keensan lahaayeen.
Sidii dib u hayn loogu samayn lahaa adeegyada Dowladda ee ay soo dalban jireen Wasaaraddaha Dowladdu iyadoo laga duulayo, talo soojeedinta Hantidhawrka Guud ee Dawladda.
Dhammaan qodobadan ayaa Agaasimayaasha Wasaaraduhu si wayn uga doodeen sida ugu dhow ee looga shaqayn karo hawla horyaala.