Wasiir Kuxgeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kormeer shaqo ku tagay xarunta dakhliga ee Wasaaradda[Sawirro]

GAR0OWE- Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagey xarunta dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka ayaa kulan la yeeshay Madaxda dakhliga oo ay ka mid yihiin Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha furdooyinka, Agaasimaha Waaxda deeqaha caalamiga ,Agaasimaha Cashuuraha Berriga iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyey shaqooyinka socda ee horumarka laga sameeyey kor u qaadida dakhliga iyo caqabadaha jira ee dhanka shaqada una baahan in la xaliyo.

Ugu dambayn Wasiir Axmed Maxamed Bulxan ayaa boggaadiyey horumarka laga saneeyey dhanka shaqada iyo kor u qaadida dakhliga dalka, Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay caqabadaha dhanka shaqada ah in la xalin doono balse loo bahaan yahay dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland