Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Shirka Xisaabiyasha goboladda ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa shir guddoomiyay shirka Xisaabiyasha goboladda ee Wasaaradda.

Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiiru-dowlaha Wasaaradda,Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Wasiir ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud iyo Agaasime ku-xigeenka Dakhliga.

Ujeedka Shirka ayaa ah in si guud looga hadlay xisaab xirada iyo nidaamka xisaab celinta waxaana ka soo qayb galay dhammaan Xisaabiyaasha gobalada.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Jaamac Jowle ayaa warbixin guud ka siiyay madaxda sida ay u socoto shaqada xisaabiyaasha gobolada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa xisaabiyasha gobalada faray in loo baahan yahay in si dhab ah loo dul istaago dakhliga xareynta,isagoo sheegay in gobol waliba looga fadhiyo dakhligii loogu talagay in ay soo xareeyaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland