Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada ayaa shir guddoomiyey kulanka oo ay wehliyaan ku-xigeenka 1-aad iyo ku-xigeenka 2-aad ee Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland.
Hor-imaanshaha Gollaha ee Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa salka ku haysa hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland oo ay samaysay Wasaaradda Maaliyadda.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Gollaha la wadaagay la xiriirta hindise-xeereedka Maamulka dakhliga Puntland, taas oo taabanaysa ujeeddooyinka xeerka, baahida keentay iyo saamaynta dhaaqaale ee Xeerka, kaas oo Golluhu ku samaynayey akhrinta 1-aad si waafaqsan Qodobka 58-aad ee xeer-hoosaadka Gollaha Wakiillada.
Xildhibaannada Gollaha Wakiillada ayaa su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Hindise-xeereedkan Gollaha horyaal. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib, waxaa Golluhu ku wareejiyey Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka si ay ugu sameeyaan akhriska labaad, Gollahana ay hor keenaan kalfadhiga soo socda ee 55-aad.