Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan ay la yeesheen Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Kulanka waxaa ku waheliyay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda,Wasiir ku-xigeenka Wasaradda,Wasiir ku-xigeen Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud iyo Agaasime guud Ku-xigeenada Dakhliga.

Ujeedka shirka ayaa ahaa sidii loo horumarin lahaa shaqada Wasaaradda loona xoojin laha hannanka shaqogalka shaqaalaha, kor u qaadista dakhliga iyo isla xisaabtanka.

Intii uu socaday shirka waxaa si weyn diirada loo saaray horumarinta shaqada ee laga sameeyey Dhammaan gobolada, xalinta caqabadaha jira iyo in la qaado isku duubni, dakhligana kor loogu qaado.

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda, Wasiirka Kuxigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga iyo Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa si wada jir ah cod dheer ugu sheegay shaqaalaha in la muujiyo dadaal shaqo oo ku aadan dhammaan Goballada.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaqaalaha iyo Shacabka Puntlandba u sheegay in ay Ilaahay hortii ka ballan qaadeen adkaynta ammaanada ay u hayaan bulshada Puntland si qaldana aan loo adeegsan doonin.

Sidoo kale Wasiirka ayaa shaqaalaha la wadaagay in 8 Mashruuc oo dhowaan uu saxiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland laga sugayo kharash keeda in ay soo saaraan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda loona baahan yahay dadaal dheeri ah oo dakhli abuur.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa Bulshada Puntland ugu baaqay in ay bixiyaan cashuurta ku waajibtay si looga shaqeeyo horumarinta adeegyada bulshada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland