
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dowladda Maaliyadda Puntland oo Shir la qaatay Madaxda Wasaaradaha iyo Hay’addaha qaybta ka ah Mashruuca Barwaaqo(Sawirro)
GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna ku simaha Xilka wasiirka Mudane Axmed Yasiin Saalax ayaa shir guddoomiyay kulan xarunta Wasaaradda lagula yeeshay Madxda wasaaradaha iyo hay’adaha qeybta ka ah fulinta mashruuca Barwaaqo.
Kulankan waxaa ka qaybgalay Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Cabdi Waaxid,
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud Mudane Dayib Cali Maxamed iyo mas’uuliyiinta wasaaradaha wada mashruucan.
Shirkan ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda mashruuca Barwaaqo kaas oo qeyb weyn ka qadatay ilaalinta deegaanka gaar ahaan dhismaha ceelal biyoodyo iyo biyo-xireenno.
Wasiir ku-xigeenka Maamulka Wasaradda Maaliyadda ayaa xusay in mashruucan uu leeyahay muhiimad gaar ah oo dhinaca Wasaaradda Maaliyadda ah gaar ahaan la socodka iyo xaqiijinta shirkadaha ka shaqeeya mashruuca si loo hubiyo in ay gutaan waajibaadkooda canshuur bixinta ee ku aaddan Dowladda.
Sido kale wasiirka ayaa ka hadlay doorka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ay ku leedahay Mashruuca Barwaaqo oo ah fududeynta kharashaadka.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland



















