
Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo la kulmay Xisaabiyasha gobolada ee Wasaaradda(Sawirro)
GAROWE – Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ahna Ku-simaha Wasiirka Mudane Axmed Yasiin Saalax uuna weheliyay Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) ayaa maanta shir la yeeshay xisaabiyeyaasha gobollada ee Wasaaradda Maaliyadda.
Kulankan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa diiradda lagu saaray horumarinta dakhliga dowladda iyo is barasho guud.
Intii uu shirka socday waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha lagu xoojin karo dakhliga gobollada iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow iyo hirgelinta nidaamyo casri ah oo kor u qaadi kara dakhliga dalka.
Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yasiin Saalax ayaa xisaabiyeyaasha ku bogaadiyey dadaalka ay wadaan isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan shaqadooda isla markaana laba jibaaraan sidii loo kordhinlahaa dakhliga gobollada ee dalka.



Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Madaxda Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo xilka la wareegay[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/04/IMG_7331-1-150x150.jpeg)


