
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda(Sawirro)
GAROOWE – Madaxda cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo maanta kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Kulan waxaa shir-guddoominayay Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda ahna siihaya Xilka wasiirka ayna weheliyaan Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo ku-xigeenkiisa Xisaabiyaha Guud ee Dowladda.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Agaasimeyaasha waaxyaha, Madax qaybteeda iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd isbarasho iyo xoojinta wada shaqeynta iyadoo madaxdu ay shaqaalaha ku dhiirrigeliyeen in ay dardargeliyaan howlaha shaqo isla markaana sii laba jibaaraan dadaalkooda.
Wasiir-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac) iyo Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland Mudane Cali Cabdi Waaxid Xuseen oo la hadlay shaqaalaha Wasaaradda ayaa bogaadiyey dadaalka shaqaalaha, shaqo kasta oo la qabtona ay tahay mid leh mas’uuliyad loona bahan yahay in is wadajir ah loo qabto.
Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Yasiin Saalax ayaa isna hadal dhiirrigelin ah u jeediyay shaqaalaha, isagoo si gaar ah u bogaadiyay shaqada ay hayaan iyo kaalinta ay ka qaataan horumarinta nidaamka shaqo iyo soo saarista dakhligii dalka lagu hormarin lahaa muhiimna tahay in in la xoojiyo wada jirka guud ahaan.
Ugu dambeyntii kulanka ayaa la isla qaatay wada jira iyo in dadaal dheeri ah lgu bixiyo in dakhliga kor loo qaado.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland









































