
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda(Sawirro+Muuqaal))
GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Bulxan ayaa maanta tababar u soo xiray qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.
Xiritaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Ahmed Jama Jowle, Agaasime ku-xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, Agaasimayaasha Waaxyaha qaybo ka mid ah, Guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Puntland State University, iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Jaamacadda.
Tababarka loo soo xiray shaqalaaha ayaa ka koobnaa labo qeybood oo kale ah Tababarka PFM (Public Financial Management) iyo Tababarka canshuuraha nimaadka sida loo mareeyo.
Ujeeddada tababarradan kala duwan ayaa ahayd kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha gaar ahaan kuwa ka shaqeeya xisaabaadka iyo canshuuraha, si loo xoojiyo tayada shaqo iyo hufnaanta maamulka dakhliga.
Tababarka waxaa bixisay Puntland State University, iyadoo uu iskaashi dhow uu ka dhexeeyo Jaamacadda iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Agaasime ku-xigeenka Dakhliga ayaa ka hadlay muhiimadda tababarku u leeyahay shaqaalaha isagoo xusay in uu kor u qaadayo tayada shaqo iyo hufnaanta maamulka dakhliga.
Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jawle oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta aqoonta shaqaalaha si loo xoojiyo aqoontooda.
Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Bulxan ayaa dhankiisa tilmaamay in Wasaaradda Maaliyaddu ay sii xoojin doonto xiriirka ay la leedahay bahda waxbarashada gaar ahaan Jaamacadda PSU si shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa kale ee xafiisyada ka yimid ay uga faa’iidaystaan tababarrada noocan oo kale ah.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay in aqoonta ay soo barteen laga rabo in lagu hormariyo Shaqooyinka bulshada Puntland loo hayo.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland


































