
Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo martigelisay Kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga Adeegyada ay bixiyaan Xirfadlayaasha Caafimaadka(Sawirro)
GAROOWE – Xarunta dhexe Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay wada yeesheen mas’uuliyiinta Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Caafimaadka.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray tayeynta iyo kor u qaadidda kantaroolka xirfadlayaasha caafimaadka iyo sidoo kale dardargelinta dakhliga ka soo xarooda adeegyada ay bixiyaan xirfadlayaasha caafimaadku.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane ,Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada wasaaradood.
Intii uu kulanku socday waxaa si qoto dheer looga dooday habka ugu habboon ee lagu kordhin karo dakhliga xirfadlayaasha caafimaadka iyadoo la xoojinayo nidaamyada kantaroolka iyo isla xisaabtanka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is afgarad wanaagsan waxaana la isla gartay in la sii amba qaado wada shaqeynta iyo in la qabto kulamo kale oo lagu xoojinayo arrimaha la isla soo qaaday.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland














