Xasan Cabdulle Sanweyne,ayaa loo magacaabay xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug,markii weerar is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku geeryoodey 31 bishii Maarso ee sanadkan xisaabiyihii hore ee wasaaradda maaliyadda ,Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare). Munaasabad uu xilka kula wareegayo xisaabiyaha cusub ee wasaaradda maaliyadda Puntland u qaabilsan gobolka Mudug ayaa lugu qabtay […]
QARDHO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa maanta hambalyo u diray dhammaan muslimiinta caalamka gaar ahaana shacabka Puntland. Mudane Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa guud ahaan Ummada Soomaaliyeed Eebe uga baryey in ay si farxad iyo nabadgelyo leh ku Ciidaan ,Isna cafiyaan isuguna hambalyeeyaan farxada maalinta Ciida. “”Ciid Mubaarak,Ciid Mubaarak […]
Maanta oo ay taariikhdu tahay 27, June, 2016 waxaa Shir balaaran Wasaradda Maaliyaddu la qaadatay Madaxweynaha Dawladda Puntland Md Cabdiweli Cali Gaas, kulankaas oo ka dhacay Hoolka Shirarka ee Madaxtooyadda Dawladda Puntland, waxaa kulanakaas ka qayb-galay Masuuliyiinta kala ah: Wasiirka Wasaradda Maaliyadda  Md Cabdulahi Shekh Ahmed Wasiir Ku-xigenka W/Maaliyadda Md Axmed Yaasin Salax Agaasimaha Guud […]
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23/06/2016 tababar u socday shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland loogu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe. Tababarkan ayaa lagu baranayey habka loo maamulo xisaabaadka,dakhliga iyo kharashaadka oo qaab Kompuyuutar ah kaasoo ay maamuli doonaan dhammaan hay’adaha dowladda Puntland. Tababarkan ayaa nidaamka lagu baranayey ,waxaa fududeysay Bangiga Adduunka iyadoona qaabka ay ku […]
Wefti ka socda Bankiga Aduunka ayaa manta kula kulmay Xafiiska Garoowe ee W/Maaliyadda Madaxda Sar-sare ee Wasaaradda, Weftigaas waxaa hoggaaminayay Mr. P. Kumaar oo u qaabilsan Bankiga aduunka dhinaca Dhaqaalaha. Weftigaas waxay la Kulmeen Madaxda kala ah: Wasiirka Maliyadda Agaasimaha Guud Maamulka Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Agaasimaha Guud ee Canshuuraha Berriga Xisaabiyaha Guud Iyo PFM,RCRF, […]
Waxaa maantay oo taariikhdu tahay 28-May 2016 lagu sii sagootiyey Garoonka caalamiga ah ee Konoco Airport Garoowe, shaqaale , madax iyo khuburo ka kala socda Wasaaraddaha, Waaxyahaha iyo Hay’adaha Maaliyadda,shaqaalahaas oo tiradoodu dhan tahay 27 qof. Shaqaalaha waxaa sagootiyey Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo shaqaalahaMaaliyadda Mudane C/risaaq Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Furdooyinka Mudane […]
Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Puntland ee ka howgala Boosaaso ayaa maanta gaariga curyaamada ku wareejiyey Xaliimo Siciid Nuur oo ah gabar muddo ku xanuusanaysay magaalada. Shaqaalaha ayaa gaariga ugu iibiyey lacag ay iska uruuriyeen oo ay ka jareen Mushaharkooda ,waana nooca curyaamada lagu riixo. Xaliimo Siciid Nuur ayaa muddo dhul jiif la ahayd xanuunka dabaysha ,iyadoona […]
Maanta oo taariikhdu tahay 04/05/2016 waxaa magaala madaxada Puntland ka amba baxay wafti baraadhan oo ay hogaamineyso Wasaarada Maaliyada dawlada Puntland. Waftigaas waxaa ay ka goobnaayeen Agaasimayaal ka kala socda Wasaaradaha ( Maaliyada, deegaanka, caafimaadka, Arimaha Gudaha, Waxbarashada iyo xafiiksa madaxwayne ku xigeenka dawlada) iyo degmooyinka ay ka mid yihiin Bosaso, Garowe, Bayla iyo Eyl […]
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax oo shir Jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay ayaa ka warbixiyey safar shaqo uu kaga soo laabtay dalka Kenya. Mudane Axmed Yaasiin Saalax ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgalay shir ku saabsanaa Barnaamijka horumarinta Degmooyinka ee JPLG- ga.,isagoona mashruucaas ku tilmaamay mid dhaxalgal ah. Waxaan safar qaatay muddo shan beri […]
Maanta oo ay tahay taariikhdu 09/04/2016 ayaa waxaa ka ambabaxay magaalo Madaxda Garowe wafti balaaran oo ka socda dawlada Puntland oo ay hogaaminayso Wasaarada Maaliyada madaxdeeda qayb ka mid ah sida Wasir kuxigeenka wasarada Maaliyada Axmed Yaasiin Saalax iyo Xoghaya guud ee wasaarada Maaliyada Mudane Axmed Jamaac Jawle,madaxda wasaarada waxaa ku weheliyey safarkaan madax kale […]