Category: News

432214613_805363998283571_5346137645840708680_n

Madaxda cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo maanta loo dhaariyay xilka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, Wasiir Kuxigeenka Maamulka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamuud Shiikh Ciid ayaa loo dhaariyay xilka Wasaradda Maaliyadda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa goob joog ka ahaa dhaarinta xubnaha Gollaha Wasiiradda ee xilka loo dhaariyey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Wasaaradda Maaliyaddu.

Wasiirka iyo Wasiir Kuxigeenada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa dhowaan la wareegi doona shaqada Xafiisyada Wasaaradda hadii alle idmo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (5)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Boggaadiyay Shaqooyinka la qabtay Todobaadkan[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka Toodbaadlaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan ayaa Agaasimayasha Wasaaradda Maaliyaddu waxaa ay ku soo bandhigeen shaqooyinka la qabtay ee guulaha laga gaaray iyo kuwa dhiman ee ay wadaan si loo hirgeliyo.

Intii shirkaasi socday waxaa si wayn looga dooday dardargalinta cashuuraha Berriga ee ay ka mid yihiin Gaadiidka, Guryaha kiraysan, Dhulka, Gaadiidka Hay’adaha u kiraysan iyo Qandaraasyadda, dhammaan cashuuraha ku waajibay ee aan laqaadin sanad kii dhammaaday, lana hirgaliyo sanadkan cusub iyo sidii dakhliga dawlada gaar ahaan cashuuraha Berriga loo kor dhin lahaa.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boggaadiyey shaqooyinka la qabtay todobaadkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (12)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa Wasiir Dhabancad wuxuu ku la dardaarmay hawl wadeenada Wasaaradda in ay isku dubba ridaan xil wareejinta si xog dhammeystiran loogu wareejiyo Wasiirka cusub Mudane Maxamed Faarax iyo kuxigeenadiisa.

Intii shirkaasi socdey ayaa la kala qaatay waajibaad la xariira diyaar garowga Xafladda Xil wareejinta.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (12)

Qaban-qaabada Xafladda Wasiirka Maaliyadda oo si habsami leh uga socota xarunta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE- Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani ayaa u soo magacabay Wasaaradda Maaliyadda Wasiirka Wasaaradda Mudane Maxamed Faarax Maxamud.

Magacabista Wasiirka Wasaaradda kadib Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa shir isugu yeeray agasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyada waxana uu kala hadlay udiyaar garowga xaflada Xilwareejinta Wasiirka Cusub Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wasiikii hore Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Xaflada Xilwareejinta ayaa lagu qaban doonaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda waxaana lafilayaa in ay qabsoonto maalmaha soo socda hadii Allah uu idmo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (20)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Shirkan waxa ka soo qayb galay Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi, ku xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.

Agaasimaha Guud ayaa warbixino shaqada la xiriira ka dhageystay Xafiisyada kala ah, Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaaradda, Xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda iyo Xafiiska Arkiifiyada.

Mas’uulyiinta Xafiisyadan xogta ay soo badhigeen ayaa ahaa kuwo ku adaa horumarka laga sameeyey shaqada, Caqabadaha ubaahan xalinta iyo shaqooyinka dhammaan.

Intii shirkaasi socdey ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta Dakhliga gobolada iyo sidii loo soo xerayn lahaa cashuuraha baaqday.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boggaadiyey shaqooyinka la qabtay todobaadkan loona baahan yahay dhamaystirka shaqooyinka taagan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (2)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay koox baaris ku sameynaysa mashaariicda World Bank ee PL[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ku qaabilay koox baaris ku samayn doona habka loo fuliyey mashaariicda Bangiga Adduunnka ka fuliyey Puntland.

Shirkan waxaa ka soo qayb galay Kuxigeenka Hantidowrka Puntland, Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda, Madax ka socotay Shirkadda PKF oo fadhigoodu UK iyo mas’uulyiin kale.

Shirkan intii uu socday ayaa looga hadlay mashaariicda world Bank Puntland Laga fuliyey sanadkii 2022 ee ay ka mid yihiin DRMPFM, CIP iyo SURP-para.

Mas’uulyiinta shirkada PKF ayaa saldhigga ugu wayn kuleh UK, waxana ay laan ku leedahay Kenya iyagoo gacan siin doona hanti dhowrka Puntland.

Bangiga Aduunka ayaa baaris ku sameeya sanad walba Mashariicda uu dalka ka fuliyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (2)

Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda iyo Madaxda Bangiga oo ka shiray sidii Laanta Bangiga looga hirgelin lahaa Galdogob[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cali Cumar caarshe oo ay waheliyaan Agaasimiyaasha Bangiga Dowladda Puntland ayaa maanta ku shiray xarunta Bangiga Dowlada Puntland.

Ujeedada shirkan ayaa ahaa sidii Laanta Bangiga ee Degmada galdogob looga hirgalin lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Maaliyadda ee Xafiiska Galdogob.

Laanta bangiga ee galdogob ayaa door weyn ka qaadan doonta daboolida baahiyo badan oo deegaanka kajiray.

Dowladda Puntland ayaa waday horumarin lagu balaarinaayo adeeg bixinta bangiga dowladda si bulshadda loogu fududeeyo in adeega dowladdu goob walba ku gaaro.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Gobolka Mudug ee Wasaradda iyo Madax kale.

Xafiiska Wacyi-gelinta Iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
2e95b09e-44f0-46de-9e78-10d89e2675b3

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Airport-ka Garoowe[Sawirro]

GAROOWE- Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cali Cumar Caarshe iyo Agaasime xigeenka Guud ee Bankiga Dowladda Yuusuf Maxamed Faarax ( Gees ) ayaa kormeeray shaqaalaha labada Hay’adood ee ka hawl gala Airportka General Maxamed abshir Airport taas oo ah baraha uu dakhligu ka soo xeroodo.

Kormeerka kadibna Mas’uulyiinta ayaa kulan kuwada qaatay airportka kaas oo ay uga wada hadleen wax ka bedel iyo casriyayn lagu sameeyay nidaamka ururinta iyo xeraynta dakhliga kaas oo laga hirgeliyay dhammaan goobaha dakhliga ayna mudo kawada shaqaynayeen Bankiga dowladda iyo wasaarada Maaliyadda .

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa Maareeyaha Guud ee airport-ka Muuse Abdirashiid Jamac, Agaasime kuxigeenka Guud ee dakhliga cabdiqaadir Maxamed Xaash, Agaasimaha Waaxda Furdooyinka, Xisaabiyaha gobolka Nugaal , hawl wadeeno iyo mas’uuliyiin ka socday labada Hay’adood ,waxana isfahan laga gaaray sida ugu wanaagsan ee ay ku wada shaqayn karaan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (9)

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir guddoomiyey Kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada[Sawirro]

GAROOWE- Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa Shir guddoomiyey kulanka asbuuclaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda waxaana ka soo qayb galay Agasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Mas’uulyiin kale kale.

Shirkan ayaa looga hadlay Siyaasada & Qorshihii iibka 2024, Horumarinta dakhliga, Qorshaha tababarada shaqaalaha iyo kor uqaadida wada shaqaynta shaqaalaha Wasaaradda.

Dhammaan qodobada shirkan lagu soo badhigay ayaa laysla qaatay fulintooda si loo gaaro guulo wax ku ool ah bulshadana loogu adeego.

Cabdulqaadir Axmed Xaashi agaasime guud ku xigeenka Dakhliga ayaa bogaadiyey qodobada shirka waxana uu Agaasimayaasha waaxyaha kula dardaarmay in qodobadan dabagal lagu sameeyo hirgelintooda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (13)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir la yeeshay Shaqaalaha xarunta dhexe[Sawirro]

GAROOWE- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir la yeeshay Shaaqalaha Xarunta dhex ee Wasaradda Maaliyadda.

Kulanka shaqaalaha iyo Agaasimaha ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa shaqada Wasaaradda loogana qeyb qaadan lahaa hormarka Wasaaradda iyo isla xisaabtanka waajibadka masuuliyada qofka ee imanshaha shaqo gelista.

Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdifataax Cali Jaamac ayaa Agaasimaha guud u soo badhigay xogaha shaqooyiinkii iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Intii u socday shirka waxaa xooga lagu sarayay hannaanka shaqo galka shaqaalaha xarunta dhex ee Wasaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda oo soo xiray shirka ayaa ka hadlay ahmiyada shaqada iyo Waajibaadka shaqo ee qofka laga rabo hada ka dibna qof waliba lagu la xisaabtami doono shaqada iyo waajibadka saaran.

Dhinaca kale Agaasimaha guud ayaa xusay in abaal marin kala duwan ay heli doonaan shaqalaha Shaqada loo igmaday ka soo baxa ayna la socdaan qof waliba shaqada uu hayo ee loo xilsaaray.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More