Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Febraayo 2020 mgaalada Garoowe soo gaaray Gunvor W. Skancke oo ah Madaxa Iskaashiga Horumarinta Soomaaliya iyo Kenya iyo Wafuud sare oo ka socday wadanka Norway ayaa ku timid Caasimada Garowe safar ay ku booqaneysey Puntland. Ujeedka imaatinkeeda Puntland ayaa ahayd sidii ay uga wada hadli lahaayeen dhammaan barnaamijyada […]
Iyadoo laga dhabeynayo lana fulinayo, balanqaadkii Xukuumada DPL oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DPL, waxaa madaxweynuhu Magcaabay Gudi dib u habeyn iyo tirokoob ku sameeya Ciidamada kala duwan ee DPL. Gudiga oo uu gudoomiye u ahaa Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, ayaa bilaabay hawlgal lagu tayeynayo, laguna tirokoobayo ciidamada DPL ee Dhamaan Gobolada Nugaal, Karkaar, […]
GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga dib u habaynta Ciidamada Dawladda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay caaasimada Puntland ee Garoowe. Todobaadkii lasoo dhaafay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ayaa shaqo joogto ah oo ku aadan wax ka ogaanshaha Ciidamada tababarku uga […]
QARDHO – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ka qaybgalay shir ka dhacay xarunta gobolka Karkaar kaasi oo amniga looga hadlayay. Kulankan waxaa ka soo qay galay Wasiirka Amniga Dawladda Puntland Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere, Gudoomiyaha gobolka Karkaar, kuxigeenada gobolka iyo degmada,duqa degmada Bayla iyo […]
QARDHO – Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyadda gobolka Karkaar Yaasiin Cabdi Ciise ayaa casho sharaf u sameeyay Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland  Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amnigga Puntland Mudane Cabdisamed  Maxamed Gallan iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere Casho sharaftan ayaa ka dhacday Beerta Dalxiiska Qardho waxana sidoo kale ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Puntland […]
QARDHO – Wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi , Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo u weheliyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere ayaa maanta booqday xeradda ciidamada xorgoble ee magaalada Qardho. Booqashada sidoo kale waxaa ku weheliyay maamulka gobolka Karkaar,kan degmada, taliska qaybta iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Puntland. […]
GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Wasaaradda Howlaha guud Gaadiidka iyo Guryeynta ayaa kulan ku yeeshay magaalada Garoowe. Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Howlaha guud ee Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland ayaa looga wadahadlay habka qaadista cashuurta iyo taargooyinka gaadiidka. Waxaa goobjoog ka ahaa kulanka Wasiirka Howlaha guud ee gaadiidk iyo guryeynta Puntland Axmed Bashiir […]
QARDHO – Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxa gaaray Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi, Wasiirka amniga Cabdisamad Maxmed Galan,Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Gen Yaasiin Cumar Dheere ,Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Puntland Mahdi Farax Qambi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland. Safarkan ayaa ahaa mid shaqo oo ku aadan gobolka Karkaar gaar […]
GAROOWE – Maanta oo ay taariikhdu tahay 04.01.2020 ayaa Wasaaradda Maaliyadda bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha Dhexe iyo kuwo yaryar. kuwaas oo qiyaasteeda dhan tahay  3000 (seddex kun oo meheradood) canshuur bixiye oo ay dhamaantood ku yaalaan magaalada Garoowe. Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland waxay ololahaas wadaysa muddo dhan labo todobaad. Ugu horeyn waxa kulankaas […]