IMG_3937

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku sameeyay Xafiisyadda kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Kormeerka ayaa ahaa wax ka ogaanshaha habsami u socodka shaqada iyo qalabayn kala duwan oo lagu sameeyey xafiisyada xarunta dhex ee Wasaradda Maaliyadda iyo xarumaha kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa madaxda la wadaagay  in lagu guuleystay Qalabaynta  Xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda Xarunta dhexe, Xarunta Dakhliga iyo intooda badan Gobolada inta dhamana la qalabayn doono.

Madaxda Xafiisyada ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka ay wadaan iyo dadaalkooda shaqo, waxayna Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiir Maxamed Faarax uga mahadceliyeen qalabaynta iyo horumarinta agabka kale ee xafiisyada Wasaaradda lagu sameeyey.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey Qalabaynta iyo isbadalka horumarineed ee lagu sameeyey Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda waxana uu Madaxda iyo shaqaalaha u sheegay in laga sugaayo dakhligii lagu difaaci laha dalka laguna hormarin lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3871

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay  weheliyaan Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradda  iyo Agaasimaha guud ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe iyo gobalada Nugaal Iyo Sool.

Kulan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawladda ahna Xisaabiye Ku-xigeenka guud, Agsimayasha Waaxyaha iyo Xisaabiyayaasha Gobolada, Nugaal Sool iyo Sanaag.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Wasiirka siiyey warbixin balaaran oo la xiriirta xogta guud ee shaqaalaha iyo dadaal kooda shaqo.

Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda  ee Maamulka iyo Dakhliga oo halkaasi ka hadlay ayaa shaqaalaha faray in siwada jir ah looga shaqeeyo horumarinta dakhliga guud ee dalka iyo ilaalinta nidaamka shaqo galka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud  ayaa shaqaalaha iyo madaxda faray in shaqooyinka Wasaarada lasii labba jibaaro maadama uu wadanku Ku jiro difaaca ajaaniibta argagixisada ee Puntland ku soo duushay, si gaarana xooga loo saaro kordhinta dakhliga.

Dhinaca kale Wasiir Maxamed Faarax ayaa shaqaalaha Wasaaradda kala hadlay inay qaataan doorkooda la xiriira garab istaaga ciidamada difaaca Puntland ee dhiigooda u daadinaaya badbaadinta ummadda Soomaaliyeed ee cadowga shisheeye argagixisada ahi kusoo duulay.

Shirkan ayaa  ka mida shirarka joogtada ee iska warqabka madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqaala weynaha WasaaraddaMaaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3812

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda..

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda, ku-xigeenka Agaasimaha guud ee Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda iyo Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda Maaliyadda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Madaxda Wasaaradda la wadaagay warbixin ku aadan Shaqooyinka hortebinta leh ee horumarka laga gaaray, heerka dakhliga iyo dadaallada ay wadaan shaqaalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Intii uu socday kulankan ayaa lagu soo bandhigay xogo kala duwan oo ku aadan kor u qaadista dakhliga, abuurista ilo dakhli iyo soo dhowaynta cashuur bixiyaasha Puntland oo leh mudaan gaara.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey xogaha ku aadan shaqooyinka horumarka laga sameeyey waxaana uu Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda kula dardaarmay xoojinta shaqada iyo dardargelinta dakhliga xili dalku dagaal kula jiro argagixiso soo duushay dhaqaale badan oo dalka lagu Difaacona Dowladdu ubaahan tahay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland.

Read More
IMG_3776

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bangiga Dowladda Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bankiga Dowladda Puntland.

Kulankan waxaa ka soo qayb galay Gudoomiyaha Bankiga dowladda Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka Bankiga, Agaasimaha Guud ee Bankiga, Agaasime ku xigeenka Bankiga iyo Madax ka socotay Hay’adaha Maaliydeed ee ka hawl gala Puntland.

Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii bulshadu u isticmaali lahaayeen lacagta 50 Dollar oo mudooyinkii udambeeyeyna aan ka shaqaynayn deeganada Puntland.

intii uu socaday kulanka ayaa la isku dhaafsaday sababaha keenay in ay ganacsatadu joojiyaan isticmaalka $50

Dollar iyo sida loo socd siinkaro.

Adeeg siga $50 Dollar ayaa ugu dambaysay  2021, ayana bulshadu ku diideen isticmaalkeeda ka dib markii suuqyada Puntland ay soo galeen lacago been abuur ah $50-ka Dollar na uu ka mid yahay.

Ugu dambayn Bangiga Dowladda Puntland iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa go’aan rasmi ah ku soo saaray isticmaalka lacagta $50, Hay’adaha Maaliyada ee gaarka loo leeyahayna kula dardaarmay Xoojinta iyo fulinta awaamiirta Dowladda Puntland

Masuuliyiintii ka socotay Hay’adaha Maaliyadda ee kulanka kasoo qayb galay ayaa soo dhaweeyay dhaqangelinta go’aanka dowladda ee socodsiinta lacagtaas.

Waxaa xusid mudan in Madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ay horay Madaxda Bankiga Dowladda Puntland uga dalbatay in ay kal shaqeeyaan socod siinta lacagta $50 Dollar oo inta badan ay adeegsanayaan Dadka ka soo dega Garoomada Puntland si ay cashuur ahaan ugu bixiyaan iyo sidii bulshada kalena u socod siin lahayd ugu dambayn lagu guuleysaty.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3778

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta Puntland oo kawada hadlay Cashuuraha ku waajibay Shaqaalaha Hay’adaha UN,NGO-ska iyo kuwa Maxaliga ah[Sawirro]

GAROOWE    Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshayanta ayaa yeshay kulan ay ka hadleen Cashuuraha ku waajibey Shaqaalaha Hay’adaha UN, NGO, kuwa Maxaliga iyo mashaariicda dalka laga fulinaayo.

Waxaa ka qaybgalay kulanka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta, ku xigeenka Agaasimaha guud ee dowladda,Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Agaasimaha waaxda deeqaha Dibadda, Agsimaha waaxda Cashuuraha Beriga iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan labada Wasaaradood.

Kulanka ayaa siwayn looga hadlay hubinta mashaariicda dalka ka socda in ay mareen u hogaansanka Cashuur bixinta dowladda Puntland iyo Shaqaalaha ka halwaga Hay’adaha in ay bixiyeen cashuurtii ku waajibtay.

Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Hay’adaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay faray in ay bixiyaan Cashuuraha ku waajibey Shaqalaha ushaqayeeya.

Ugu dambayn kulankan ayaa laysku afgartay xoojinta wada shaqaynta labada Wasaaradood iyo dardargalinta dakhliga dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3744

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay xarunta Wasaaradda ee magaalada Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa waxa halkaasi ku soo dhoweeyey Xisaabayaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka mudug Ismaciil C/nuur Geesey , Maamulayasha, Madax qeybeedayada iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka ayaa kormeeray qeybaha Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid tahay dhisme cusub oo casri ah oo lagu kordhinaayo Xaafisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee Gaalkacyo ,

Wasiirka ayaa warbixinno ka dhagaystay Xisaabiyaha iyo Injineeradda shaqada dhismaha kawada xarunta, waxana uu kormeeray qeybta Cashuuraha kastamadda Wasaaradda ee Gobolka Mudug halkaas oo Wasaaraddu ka wado dhismayaal cusub.

Ugu dambayn Maxamed Faarax Maxamuud  Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda ee dib u casriyanta xarumaha shaqada iyo soo saarista dakhliga.

Baahintii

Xaafiska Warfaafinta iyo Waciyigalinta ee Wasaaradda Maaliyadda dawlada Puntland.

Read More
IMG_3619

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Istaraajiyadaha Qorshaha Dakhli-kicinta 2025[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa guddoomiyey shirka Istaraatijiyadaha Qorshaha Dakhli-Kicinta 2025 iyo casriyaynta goobaha shaqada.

Ujeeddada iyo Ajandaha shirkan ee Fulinta Qorshaha ayaa waxaa ka mid ahaa

1- Maadaama Wasaaradda Maaliyaddu ku guuleystay in habkeeda cashuur qaadista furdooyinka laga dhigay online lana sameeyey system ka PUNTCAS, ayaa laysla qaatay in 2025 la hirgelin doono system kii lagu qaadi lahaa canshuuraha berriga si bulshadda loogu fududeeyo adeeg bixinta.

2- Xalinta Caqabadaha iyo ka miro dhalinta fursadaha lagu horumarinkaro dakhliga sanadkan ee qorshaha ku xusan iyada oo lagu  dhaqmaayo siyaasadda iyo xeerarka dakhli kicinta ee Wasaaradda.

3-ka  jawaabida baahiyaha xarumaha dakhliga hadii ay yihiin gaadiid, qalab iyo saxida caqabadaha shaqada

4- waxaa la qorsheeyay in si joogta ah kormeer loo kormeero gobolada dalka si dabagal loogu sameeyo dakhliga iyo la socodkiisa.

Ugu dambayn kulankan ayaa la isla qaatay ajandaha Shirka ku xusnaa iyo samaaynta jadwal lagu fulinaayo qorshaha sanadka 2025.

Axmed Jaamac Jowle Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa bogaadiyay Qorshaha dardargalinta dakhliga iyo jadwalka lagu gaarayo qorshahan waxana uu umahad celiyay Madaxda Wasaaradda oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda oo had iyo goor garab taagan fulinta shaqooyinkan.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3601

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta dakhliga.

kulankan oo lagu qabtay Xarunta dhexe waxaa ka soo qaybgalay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka, Agsimaha Waaxda Cashuuraha Berriga, Maamulaha kastamka dekedda boosaaso iyo Mas’uulyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa sidii looga wada shaqayn lahaa Horumarinta kastamada Puntland oo ay ka mid yihiin kastamkada dekeddaha Boosaaso, Garacad iyo Dardargalinta cashuuraha berriga.

Agaasimayaasha waaxyaha ee kulankan ka qayb galay ayaa Wasiirka la wadaagay qorshayaal ku aadan horumarinta kastamada Puntland waxayna soo jeediyeen xogo badan oo lagu hormarin karo Dakhiga dalka.

Ugu dambayn Wasiir Bulxan ayaa bogaadiyey qorshayaasha lagu hormarinayo Kastamada iyo cashuuraha beriga si loo helo Dakhligii dalka lagu hormarin lahaa laguna difaaci lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3592

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Maaliyadda Puntland oo Gaadiid ay soo gaday Wasaaradu ku wareejiyay Xarumihii loogu talagay[Sawirro]

GAROOWE –  Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan uuna weheliyo Aggasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa gaadiid ay soo gaday Wasaaraddu ku wareejiyay xarumahii loogu talagay ee Wasaaradda.

Munaasabadda wareejinta gaadiidkan oo ah afar gaari ayaa ka dhacday Xarunta dhexe ee Wasaaradda waxaana ka soo qayb galay Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Agasimaha Waaxda Furdooyinka, Agaasimaha waaxda Cashuuraha berriga, Madaxa Gadiidka  iyo Mas’uulyiinta loogu tala galay in ay gaadiidkan la wareegaan.

Gaadiidkan lacagta lagu soo iibiyey ayaa ah Ganaaxyadii ku dhacay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gudan waayay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday lagana jaray lacagtii ay qaadan lahaayeen laguna hormariyey xarumaha Wasaaradda Maaliyadda.

Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ee maamulka ayaa lasiiyey Gaari Bas ah oo loogu tala galay qaadista shaqaalaha, Xarunta dhexe ee Dakhliga oo ku taal Garowe ayaa lasiiyey Gaari Bas ah oo qaadi doona shaqaalaha xarunta dhex, Cashuuraha Beriga Boosaaso ayaa lasiiyey Gaari Probox ah halka Gaari probox ah la siiyey kastamka gobolka nugaal ee Garowe.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa la dardaarmay Mas’uulyiinta xarumaha la siiyey Gaadiidkan in lagula xisaabtami doono ilaalinta hantida dad waynaha ayna ilaaliyaan bad qabkooda.

Ugu dambayn Wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxa ayaa sheegay in dowladda Puntland gacana ku wado horumarinta dalka gacanata kalena ay ku jirto difaaca, kuna wareejiyay Gaadiidkan Mas’uulyiinta xarumahii loogu tala galay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_3582

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakbliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan looga hadlay Dardargelinta Dakhliga 2025[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abdiqadir Axmed  Xaashi ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay dar dargalinya Dakhliga Sanada 2025.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Waaxyaha dakhliga iyo Agaasime Ku xigeenada waaxyaha Dakhliga, madax qeybyada Dakhliga iyo maamulaha kastamka Dekada bosaso waxaana looga hadlay intii u socday shirkan qorshaha dakhli kicinta ee sanadka 2025 iyo xiriirka gobalada qaabka wada shaqeynta xarumaha dakhliga

Shirkan Waxaa la isla meel dhigay in kor loo qaado waxaa soo sarka Dakhliga gudaha iyo sidii loo labo labi lahaa soo xareynta lacagaha.

Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga Abdiqaadir xaashi ayaa madaxda faray in la rabo in shaqada la xoojiyo loona bahan yahay sidii wada shaqeyn dhow ay u wada yeelan lahayan xarumaha dakhliga.

Ugu dambayntii Agaasimaha ayaa bogaadiyay shaqooyinka dardargalinta dakhliga ee horumarka laga sameeyey kuna booriyey shaqaalaha in bulshada canshuur bixiyeyaasha ah la soo dhoweeyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More