Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kulan la qaatay Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha guud ayaa kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee xarunta dhexe iyo gobalada Nugaal Iyo Sool.
Kulan waxaa ka soo qayb galay Agaasime guud Ku-xigeenka Maamulka, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, Ku-simaha Xisaabiyaha guud ee Dawladda ahna Xisaabiye Ku-xigeenka guud, Agsimayasha Waaxyaha iyo Xisaabiyayaasha Gobolada, Nugaal Sool iyo Sanaag.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa Wasiirka siiyey warbixin balaaran oo la xiriirta xogta guud ee shaqaalaha iyo dadaal kooda shaqo.
Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda Maaliyadda ee Maamulka iyo Dakhliga oo halkaasi ka hadlay ayaa shaqaalaha faray in siwada jir ah looga shaqeeyo horumarinta dakhliga guud ee dalka iyo ilaalinta nidaamka shaqo galka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa shaqaalaha iyo madaxda faray in shaqooyinka Wasaarada lasii labba jibaaro maadama uu wadanku Ku jiro difaaca ajaaniibta argagixisada ee Puntland ku soo duushay, si gaarana xooga loo saaro kordhinta dakhliga.
Dhinaca kale Wasiir Maxamed Faarax ayaa shaqaalaha Wasaaradda kala hadlay inay qaataan doorkooda la xiriira garab istaaga ciidamada difaaca Puntland ee dhiigooda u daadinaaya badbaadinta ummadda Soomaaliyeed ee cadowga shisheeye argagixisada ahi kusoo duulay.
Shirkan ayaa ka mida shirarka joogtada ee iska warqabka madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo shaqaala weynaha WasaaraddaMaaliyadda.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland