
Wasiir Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagey Kastamka Dekedda Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Maxamuud Arbac uuna weheliyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Eng. Maxamed Cali Maraykan ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Kastamka wasaaradda Maaliyadda ee Dekedda Boosaaso.
Wasiirka waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka Mudane Maxamed Yuusuf waxana uu booqaday Xafiisyada Wasaaradda ee ay ka socdaan shaqooyinka kala duwan.
Maamulaha ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin ku aadan heerka dakhli iyo shaqooyinka cashuurista beedeecadaha ka soo dekedda dekadda oo ah mid shaqaysa habeen iyo maalin, madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradduna heeganka ku jiraan sidii bulshada loogu shaqeeyn lahaa.
Ugu dambeyntii Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Muudane Maxamed Maxamuud Arbac ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda waxaana uu mas’uuliyiinta Wasaaradda kula dardaarmay hufnaan iyo dardargalinta dakhliga.
Baahintii
Xafiiska Wayi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland
![Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8082-150x150.jpeg)
![Agaasime Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar u furay Shaqaalaha Wasaaradda iyo Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha[[Sawirro]](https://mof.pl.so/wp-content/uploads/2026/07/IMG_8059-150x150.jpeg)

