Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Tababar usoo xiray Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Nugaal[Sawirro]
GAROOWE – Ciidamada ilaalada Cashuuraha ee gobolka Nugaal oo muddo ku jiray tababar ayaa ugu dambayn loo soo gabagabeeyey.
Tababarkan waxaa Ciidamada u soo xiray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ay weheliyaan Hoggaanka Ciidamada ilaalada Cashuuraha Puntland iyo Taliyaha Ciidamada ilaalada cashuuraha gobolka Nugaal.
Ciidamada ayaa qaatay aqoon ku aadan ilaalinta cashuuraha iyo lama caamilka bulshada Cashuur bixiyaha ah ee Puntland, waxaana loo dhamaystiray inta badan agabkii ay ku hawl gali la haayeen.
In la tayeeyo Ciidamada ilaalada cashuuraha ayaa qayb ka Siyaasadda ay u dajiyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ee ku aadan tayeynta ciidamada ilaalada cashuuraha Dowladda Puntland.
Waxaa xusid mudan in ay socdaan qorshayaal ku aadan tayaynta Ciidamada ilaalada cashuuraha ee gobolada kala ee Puntland.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland


QARDHO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa safar iyo kormeer shaqo kusoo gaaray magaaladda Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.


























GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan shaqada lagu saxaayo la qaatay Xisaabiyaha, Xisaabiye ku-xigeenka, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka iyo Khasnajiga labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.
Baahintii 
BAREEDA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay Doonyo ay soo qabteen Ciidamada Booliska gobalka Raasa-Casayr gaar ahaan Ciidamada ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii 
























































































































































