IMG_2175

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Boggaadiyay Ciidanka Ilaalada Cashuuraha gobolka Raasa-casayr[Sawirro]

BAREEDA – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay Doonyo ay soo qabteen Ciidamada Booliska gobalka Raasa-Casayr gaar ahaan Ciidamada ilaalada Cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda.

Labadan doonyood ayaa laga leeyahay dalka Yeman sifo sharrci darro ahna uga Kalluumeysanayay Xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raasa-Casayr.

Agaasimaha Guud  ayaa la hadlay Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda.

“Waxaan boggaadinayaa Saraakiisha ciidamada Booliiska gobolka Raasa-Casayr oo garab siinaya Ciidamada ilaalada cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda hawal galkan ay qaadeen si loo ilaaliyo khayraadka iyo dakhliga dowladda Puntland “

“Waxaan kula dardaar mayaa Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Raasa-Casayr in ay laba jibaaraan dardargalinta dakhliga gobolka”..ayuu yiri

Doonyahan oo ay saaran yihiin Kalluun ay si xatooyo ah Badda u gala bexeen ayaa la filayaa in sharciga la horgeeyo si looga qaado talabaada ku haboon.

Waxaa xusid mudan in hawal galkan ay hoggaaminaayeen Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda gobolka Raasa-Casayr, Taliyaha qaybta gobolka G/sare Fu’aad Maxamuud Xuseen iyo  mas’uulyiin kale.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda

Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Guddiga Goobta Shaqada Wasaaradda Maaliyadda oo kulan la qaatay Madaxda Dakhliga ee gobolka Bari[Sawirro]

GAROOWE – Kulanka la Xisaabtanka Madaxda Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari iyo Guddiga Goobta Shaqada ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaarada.

Guddoomiyaha Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ahna Agaasimaha guud Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weyeliyaan qaar kamida xubnaha Guddiga goobta shaqada ayaa shir guddoomiyey kulan u dhexeeyey Guddiga iyo qaar ka mida mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Bari.

Kulankan oo loogu yeeray Maamulaha Cashuuraha Beriga,Maamulaha Kastamka Garoonka Diyaaradaha iyo Khasnajiyada Wasaaradda ee gobolka.

Kulankan wuxuu qayb ka ahaa sixidda shaqada Wasaaradda iyo la xisaabtanka mas’uuliyinta heer gobol si horumar looga sameeyo lana saxo caqabadaha dhanka shaqada ah lana hirgaliyo talo soo jeedinadii xafiiska Hantidowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ee uu ka soo gud biyey gobolada Bari,Karkaar iyo Mudug.

Ugu dambayn Kalanka ayaa laysla qaatay in la saxo dhammaan khaladaadkii maamul ee horay u jiray si loo horumariyo hannanka shaqo ee dakhliga loona gaaro hiigsiga Xukuumadda ee kor u qaadida dakhliga gudaha dalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (3)

Guddiga Shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda ee gobolka Karkaar[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goobta Shaqada ee Wasaaradda oo kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar.

Kulanka waxaa shir Guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Punland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada laguna qabtay xarunta Wasaaradda.

Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Karkaar, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga gobolka Karkaar ayaa kulanka qaybgalay Guddiguna la wadaageen warbixin dhanka shaqada ah oo horay Hantidowrka Gudaha Wasaaraddu Guddiga u soo badhigay taasi u baahan in la saxo qaladaadkii dhanka shaqada, la horumariyo hannaanka goobaha dakhliga ee Wasaaradda ee gobolka Karkaar.

Ugu dambayn kalanka ayaa lagu saxay dhammaan wax yaabihii horay ay u soo gudbiyeen Hantidowrka Gudaha kuna aadanaa horumarinta shaqada Wasaaradda ee gobolka Karkaar.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka Shiray Dakhliga gobolka Mudug[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo ay weheliyaan Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda ayaa kulan la yeeshay Xisaabiyaha, Maamulaha Furdooyinka, Maamulaha Cashuuraha Beriga iyo Khasnajiga ee Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa ku aadanaa saxida shaqada dakhliga gobolka Mudug oo hory warbixin uga soo gudbiyeen Madaxda Hantidhowrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda.

Shirka intii uu socday ayaa Agaasimaha guud iyo Guddiga Goobta shaqadu waxaa ay halkaasi ku soo bandhigeen sida ugu haboon ee loo horumarin karo shaqooyinka dakhli ee gobolka, goob joogna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda ee gobalka Mudug.

Ugu dambayn shirkan yaa lagu saxay dhammaan qaladaadkii horay loo soo badhigay, Agaasimaha guudna uu kula dardaarmay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka mudug in ay muujiyaan hufnnaan shaqo iyo horumarinta adeegyada bulshada loo hayo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Kastamka Garoonka Diyaaradaha Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda oo uu weheliyo Wasiirudowlaha Wasaaradda ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Garoonka iyo xarunta Cashuuraha Berriga.

Kormeerka shaqo ee Wasiirka iyo Wasiirudowlaha waxaa ku weheliyey mas’uuliyiin kale oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirada ayaa ugu horayn booqday Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay garoonka diyaaradaha Boosaaso, waxaana ay halkaasi kula kulmeen Maamulaha Kastamka oo uga warbixiyey shaqooyinka socda ee ay ka mid yihiin cashuurista badeecadaha ay wadaan Diyaaradaha wada kaargooga waxana ay booqdeen xafiisyada.

Eng Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiirku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Sheikh Ciid ayaa sidoo kale booqaday xarunta cashuuraha berriga iyo Xafiiska yada Wasaaradda.

Maamulaha Cashuuraha Berriga Yuusuf Maxamed Yuusuf ayaa Wasiirada xog dheeri ah ka siiyey heerka dakhliga, xogta shaqaalaha iyo horumarka laga sameeyey dardargalinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (19)

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo hawlo shaqo u jooga Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo Bangiga Dowladda laanta gobolka Bari.

Wasiirka ayaa ugu horayn booqday Xafiisyada Wasaaradda Maaliyaddu ku leedahay Dekada, waxaana halkaasi ku soo dhoweyey Maamulaha Furdooyoinka gobolka Bari Maxamed Yuusuf, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Dekada iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Maamulaha ayaa Wasiirka la wadaagay shaqooyiinka socda ee ay ka mid yihiin cashuurista badeecadaha Dekada ka soo dega, kuwa ka dhoofa, heerka dakhliga iyo shaqooyinka ka socda Xafiisyada Wasaaradda, waxaana
Wasiirku booqday dhammaan xafiisyada iyo goobaha ay ka socdaan cashuurista badeecadaha, isagoo bogaadiyey shaqooyinka socda Madaxda iyo Shaqaalahana kula dardaarmay in la sameeyo dadaal dheeri ah oo ku aadan dardargalinta dakhliga iyo udeegida bulshada adeeg sata Dekada.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa booqday Bankiga Dowladda laanta gobolka Bari, waxaana uu halkaasi kula kulmay Mmas’uulyiinta Bankiga, waxana ay ka wada hadleen habsami u socodka shaqada bangiga iyo sida loo xeryeeyo dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Horumarinta Shaqada[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ahna Guddoomiyaha Guddiga goobta shaqada ee Wasaaradda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa shir Guddoomiyey Kulan looga hadlayey horumarinta shaqada Wasaaradda.

Ujeedka shirkan ayaa ahaa in Guddiga loo soo bandhigo natiijooyinka baaritaannada Dakhliga ee gobolada Bari,Karkaar iyo Mudug iyo in la gala tashado sidii xal loogu heli lahaa ciladaha iyo khaladaadka shago ee ka jira goboladaasi oo warbixin ay ka soo sameeyeen Hantidhowrka gudaha Wasaaraddu.

Agaasimaha Guud ayaa dhageystay aragtiyada iyo soo jeedinada Guddiga ee la xiriirta xogta Hantidhowrka Gudaha ee Wasaaradda Maaliyadda, waxayna ay soo jeediyeen tallooyin wax ku ool ah oo ku aadan sida shaqada iyo shaqaalaha Wasaaradda loo horumarin lahaa xalna loogu heli lahaa khaladaadka farsamo iyo kuwa maamul ee qaybta dakhliga lagu soo arkay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
IMG_1783

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulanka bilaha ah ee shaqada Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa shir guddoomiyey kulanka bilaha ah ee horumarinta shaqada Wasaaradda Maaliyadda.

Kulanka oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Wasaaradda ayaa waxaa qeyb ka ahaa Agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda iyo Madax qaybeedyada.

Inta u socday kulanka ayaa Agaasimayaasha waaxyaha iyo Madax qaybeedyadu Wasiirka la wadaageen shaqooyinka horumarka laga sameeyey, kuwa harsan iyo caqabadaha dhanka shaqada ee u bahan in la xaliyo.

Qorshayaasha Shaqo ee ay soo bandhigeen Agaasimayaasha waaxyaha ayaa Wasiirku su’laalo ka waydiiyey Mas’uuliyiintii shirka ka soo qayb galay iyaga oo ka jawaabay dhammaan su’aalihii Wasiirka.

Ugu dambayn Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa Agaasimayaasha waxyaha kala duwan ku boogadiyay shaqooyinka ay qabteen loona baahan yahay in waax waliba ay xooga saarto qorshaha hortabinta u leh xafiis waliba si loo gaaro yoolka hiigsiga.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay degmada Dhahar[Sawirro]

DHAHAR – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Axmed Maxamed Bulxan ayaa kormeer shaqo ku tagay degmada Dhahar ee gobolka Hayland.

Mudane Axmed Maxamed Bulxan waxa ku weheliyay kormeerkiisa shaqon Kuxigeenka Xisaabiyaha gobolka Sanaag iyo Taliyaha Turbataariyada Sanaag iyo Haylaan.

Ujeedada kormeerkan shaqo ayaa ahaa u kuurgelid ah Howlaha shaqo ee Kastamka Baraagaha qol , Kastamkaas oo dhex u ah gobolka Sanaag.

Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland iyo xubnaha ku weheliyay kormeerkiisa ayaa kulan la qaatay Ciidanka Ilaaladda Cashuuraha , isagoo ku ammaanay shaqada ay bulshadda u hayaan.

Sido kale Wasiirka ayaa booqday xarunta Maaliyadda ee Gobolka Haylaan waxaan u la kulmay shaqalaha Wasaradda.

Ugu dambeyn , Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ayaa mas’uuliyiinta iyo Ilaaladda Cashuuraha kula dardaarmay inay laba jibaaraan dadaalkooda shaqo iyo dardargelinta dakhliga.

Baahintii

Xafiiska Wacyigelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More
1 (1)

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda[Sawirro]

GAROOWE- Madaxada Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhegaystay Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda oo safaro shaqo ku tagey goboladda dalka.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Wasiirudowlaha Wasaaradda, Wasiirku xigeenka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka,Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha, Madaxa Hantidhowrka Gudaha iyo mas’uulyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Axmed Cabdi Maxamed Madaxa Hanti-dhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa Madaxdii shirka la wadaagay natiijada baaritaanka ay ka sameeyeen xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolada Mudug,Karkaar iyo Bari.

Xogtan ayaa ah mid wax badan looga oggaanayo hannanka shaqo ee dakhliga Dowladda habka loo qabtay iyo sida ay ugu dheceen Khasnada Dowladda Puntland.

Ugu dambayn Madaxda Wasaaradda ayaa boggaadiyey Shaqooyinkan muhiim ka ah ee ay soo qabteen Xafiiska Hantidhowrka Gudaha Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta
Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland

Read More