IMG_4962

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Xafiisyadda Wasaaradda Maaliyadda ee gudaha Dekedda Garacad[Sawirro]

GARACAD – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ay weheliyaan wefti ka socday labada gole ee dowladda Puntland, ayaa si rasmi ah xariga uga jaray xafiisyada cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo laga hirgeliyey gudaha dekedda Garacad ee gobolka Mudug.

Xafiisyadan cusub ayaa loo dhisay si casri ah, isla markaana si buuxda loogu qalabeeyey agabkii iyo tiknoolajiyaddii lagama maarmaanka u ahayd shaqada dowladeed, gaar ahaan nidaamyada maaliyadeed iyo canshuuraha. Waxa ay noqon doonaan xarumo si ku-meel-gaar ah ugu wada shaqeeya Wasaaradaha Dowladda Puntland, iyada oo la sugayo dhismaha xarumo gaar ah oo u gaar ah hay’adaha kale ee dowladda.

Wasiirka Maaliyadda, oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka, ayaa sheegay in dhismahan uu ka mid yahay qorsheyaasha muhiimka ah ee Wasaaradda ee ku aaddan baahinta adeegyada maaliyadeed iyo sugidda maamulka dakhliga gudaha ee dowladda, isaga oo xusay muhiimadda dekedda Garacad ay u leedahay kobcinta dhaqaalaha Puntland.

“Xaruntaan cusub ee aan maanta xariga ka jaray waxay muujinaysaa ballanqaadka dowladda ee ku wajahan horumarinta xarumaha dowladeed ee salka ku haya hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo maamul wanaagga,” ayuu yiri Wasiirku.

Mudane Maxamed Faarax Maxamuud wuxuu xusay in qorshaha Wasaaradda uu yahay in dhammaan meelaha muhiimka u ah dakhliga dalka laga hirgeliyo xarumo rasmi ah oo u diyaarsan adeegyo casri ah oo lagula xisaabtamo ilaha dakhliga, lana kordhiyo wax-soo-saarka iyo hab-maamulka maaliyadeed.

Intaa kadib, Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda waxay kormeer rasmi ah ku tageen dhismaha warshadda kalluunka ee laga hirgelinayo Garacad, taas oo ay maalgelinayaan ganacsato deegaanka u dhashay. Warshaddan oo dhisayo si casri ah ayaa la filayaa in ay noqoto mid muhiim u ah horumarinta warshadaha kalluumaysiga, korna u qaado fursadaha shaqo ee dhalinyarada deegaanka, iyo sare u qaadista wax-soo-saarka dalka ee loo dhoofiyo suuqyada caalamiga ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4958

Wasiir Kuxigee ka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir ku-xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay aaladda fogaan-aragga, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta iyo kor-u-qaadista dakhliga canshuuraha berriga.

Wasiirka waxaa shirka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, waxaana ka soo qeyb galay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Berriga, iyo dhammaan maamulayaasha Canshuuraha Berriga ee gobollada Puntland.

Shirkan oo si joogto ah u qabsooma 10-kii maalmoodba mar, ayaa looga gol leeyahay kormeerka iyo qiimeynta waxqabadka maamulka dakhliga, gaar ahaan horumarinta iyo meel-marinta qorshaha sanadeedka 2025.

Maamulayaasha Canshuuraha berriga ee gobollada ayaa madaxda kulanka la wadaagay warbixino faahfaahsan oo ku aadan waxqabadkooda, caqabadaha ay la kulmeen, iyo fursadaha horumarineed ee jira. Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay talooyin iyo aragtiyo lagu xoojinayo habsami-u-socodka hawlaha maamulka canshuuraha.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay guulaha la gaaray, waxyaabaha aan weli la hirgelin, iyo tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu xoojinayo hufnaanta, waxtarka, iyo wax-soo-saarka dakhliga gudaha, si loo gaaro yoolalka dhaqaale ee Dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4900

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo xariga ka jaray Kastamka dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud, oo ay weheliyaan Wasiiradda Wasaaradaha Caafimadka, Xannaanada Xoolaha, Kaluumaysiga, Waxbarashadda, Wasiirudowlaha Madaxtooyadda, Wasiir kuxigeenka howlaha guud, Maamulka Gobolka iyo kan degmada ayaa maanta xariga kajaray dhismaha Cusub ee Kastamka dhexe ee Gaalkacyo Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug.

Munaasabadda xarrig jarka  dhismahan ayaa waxa faahfaahin ka baxshay Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug mudane

Ismaaciil C/nuur Geesey, Isagoo sheegay in kharashka kubaxay dhismahan ay bixisay Wasaaradda Maaliyadda bulshadana loogu shaqayn doono, Wasiirkana Maaliyaddana uga mahadceliyey hirgalinta dhismayaasha Wasaaraddu ka wado Gobolka Mudug

Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa umahad ceshay xisaabiyaha Gobolka isagoo ku amaanay sidii uu uga shaqeeyey hirgalinta dhismahan iyo Hormarinta shaqada iyo Dakhliga Wasaaradda Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dhismahan iyo dhismaha wali socda ee xarrunta Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug ay labadaba lacagta ku baxasay ay bixisay Wasaaradda Maliyadda oo ka bixinaysa cashuurta laga qaado dadweynaha reer Puntland.

Dhinaca kale Wasiirka Maaliayadda iyo Mas’uulyiinta dawlada ayaa kormeeray goobo kala duwan oo ka mid yihiin Suuqa xerro dayax, Isbitaalka guud, Dugsiyada hoose dhexe ee Bardacad, ummadda, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda G/Mudug, Qaybta Police-ka G/Mudug iyo Radio Galkacyo

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4845

Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku yimid xarunta Maaliyadda ee Garoowe[Sawirro]

GAROOWE – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor oo ku jira kormeerka xarumaha Hay’adaha Dowladda, ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda, halkaasi oo ay kusoo dhoweeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa  warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda, isagoo boggaadiyay dadaalka kor loogu qaadayo dakhliga, kobaca dhaqaalaha iyo dhiirigelinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa qeyb qeyb u booqday xafiisyada kala duwan ee xarunta Wasaaradda, wuxuuna si gaar ah u kormeeray dhismaha cusub ee lagu kordhiyay Wasaaradda Maaliyadda oo hadda meel gebo gebo ah maraya, isagoo tallaabadaasi ku boggaadiyay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Shirkada dhisaysa ee Gondogooye.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4817

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Dekedda Boosaaso xili Xoolo laga qaaday[Sawirro]

BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane  Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga magaalada Bosaso ayaa Fiidnimadii Caway booqaday Dekeda oo ay ka dhoofayeen Doonyo iyo Maraakiib qaadaya Xoolo.

Labo ka mid ah Maraakiibta waawayn ee xoolaha iyo Shan Doonyood ayaa qaadi doona in kabadan 80,000 oo neef una safari doono wadamada Dowladda Puntland xiriirka Ganacsi la leedahay ee

Sacuudi, Camaan iyo Yemen.

Munaasabadda dhoofka Maraakiibta iyo Doonyaha qaadaya coolaha waxa ka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha, Maamulaha Furdooyinka gobolka Bari, Taliyaha Dekedda iyo Mas’uulyiin kale oo ka tirsan Dowladda.

Maxjarada Dowladda Puntland ee ku yaalla Boosaaso waxaa ku jira xoolo aad ubadan oo isugu jira Geel, Lo, iyo Ari siwayna looga shaqeeyey daryeel kooda Caafimaad dhowaana ka dhoofi hadii Alle idmo doono Dekeda Bosaso.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyey shaqooyinka ka socda Dekada ee ay wadaan Madaxda Wasaaradda Dekedaha sidii ay ku dhoofilahaayeen xoolahan, sidoo kale Wasiirku waxa uu Mas’uulyiin iyo shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda kula dardaarmay in ganacsatada loo fududeeyo cashuurista badeecadaha iyo xoolaha Dekada ka dhoofaya.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4805

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntkand oo Shir Fogaan arag ah la qaatay Madaxda Furdooyinka Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan, ayaa maanta shir foogaan arag ah la yeeshay maamulka guud ee furdooyinka Dowladda Puntland.

Shirkan waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga, Agaasimaha waaxda Furdooyinka iyo dhammaan madaxda kastamyada Puntland.

Ujeedada kulanka ayaa looga wada-hadlay Barmuudada iyo kontarabaamka iyo qodobo kale , Waxaana lalayeeshay Maamulayaasha Furdooyinka ee Gobolada Puntland si loo helo nidaam daahfuran ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga dooday arrimo muhiim ah oo la xiriira dardargelinta hannaanka dakhliga, hirgelinta nidaamyo casri ah oo xisaabeed, iyo sidii looga hortagi lahaa bar-muudada.

Ugu dambeyntii, dhinacyada ka qeyb galay shirka waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta, lana hirgeliyo qorshe mideysan oo kor loogu qaadayo dakhliga dowladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4782

Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Furdada Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ahna kusimaha Xisaabiyaha Mudane Cali Jaamac Gaashaan oo ay weheliyaan Mas’uulyiin ka tirsan ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabaadka ayaa hawlo shaqo u gaaray Magaaladda Boosaaso.

Xisaabiyaha ayaa booqaday Xafiiska hubinta xisaabaadka waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta Xafiiska oo ay ka wada hadleen hormarinta shaqada Xisaabaadka Dowladda.

Sidoo kale Xisaabiyaha ayaa kormeer shaqo ku tagey Furdada Boosaaso waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey Maamulaha Furdooyinka Gobolka Bari Mudane Maxamed Yuusuf Maxamuud kulan ay wada qaateen ayaa looga wada-hadlay

Ogaanshaha karsha iyo sax naanshihiisa ee ay qabtaan shaqalaha Wasaaradda Maaliyaddu.

Cali Jaamac Gaashaan Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland ahna kusimaha Xisaabiyaha ayaa lafilayaa in uu booqasho dhanka shaqada ah ku tago Xafiisyada Xisaabaadka ee gobalad kale ee Dowladda Puntland.

 

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4762

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan Fogaan arag ah loogana hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey Kulan Foogaan arag ah oo looga hadlay ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga ee gobolada Puntland.

Wasiirka kulankan waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, waxana habka Foogaan Araga uga qaybgalay Agasime guud ku xigenak dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga, Maamulayaasha Gobolada,Taliyayaasha Turbataariyada iyo Madax qaybeedyada dakhkiga ee Puntland.

Shirkan ayaa looga wada-hadlay ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga oo laf dhabar u ah dhaq dhaqaaqa horumarinta iyo hawl socd siinta Dowladdnimada Puntland. Loona baahan yahay in la qaado Ollole xoogan oo lagu hormarinayo qaadista canshuuraha berriga guud ahaan.

Wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa masuuliyiinta Shirka ka qaybgalay faray in la xoojiyo ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga lagana fuliyo dhammaan Gobolada.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4748

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Eng Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda, kaas oo looga hadlay kor uqaadida dakhliga, xoojinta wada-shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Ilaalada Cashuuraha iyo Wasaradda Maaliyadda.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda, Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Booliska Puntland, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime Guud Ku-xigeenka Dakhliga,Taliyaha Hoggaanka Ciidamada ilaalada, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga iyo Taliyayaasha Ciidamadda ilaalada canshuuraha ee gobolada.

Ujeeddada shirkan ayaa ahaa in la dardargeliyo canshuuraha berriga lana xoojiyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Ciidanka Ilaalada Canshuuraha iyo shaqaalaha kastamyada, si loo sugo nidaamka dakhliga isla markaana loo xaqiijiyo in aan kastamada aysan ka gudbi karin gaadiid aan bixin canshuurtii ku waajibtay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa kulanka ka sheegay in Wasaaradda Maaliyaddu mar walba ka go’an tahay inay si buuxda ula shaqeyso ciidamada ilaalinta dakhliga. Waxana uu tilmaamay in masuuliyadda shaqada ay tahay mid wadajir ah, balse ciidamada looga baahan yahay in ay si gaar ah u gutaan waajibaadkooda, iyadoo Wasaaraddu diyaar u tahay in ay daboosho wax kasta oo shaqooyinka dakhliga lagu hormarinaayo.

Taliye ku-xigeenka Ciidamada Booliska Dowladda Puntland ayaa sheegay in ay diyaar u uyihiin in ay garab istaagaan Wasaaradda Maaliyadda si loo helo dakhligii dalka lagu hormarin lahaa.

Ugu dambayntii  Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland ayaa sheegay in masuuliyad guud ay wada saaran tahay Wasaaradda iyo Ciidamada, loona baahan yahay in qof walba si daacad ah u guto waajibaadka shaqo ee saaran.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4688

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey shirka dardargelinta dakhliga gobalka Nugaal

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaayaasha waaxyaha Cashuuraha beriga Iyo Furdooyinka, Xisaabiyaha gobalka Nugaal, Maamulaha kastamada gobalka, Taliyaha ciidanka laanta ilaalada cashuuraha gobalka Nugaal Iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa xisaabiyaha Gobalka Nugaal, Maamulaha kastamada Iyo Taliyaha ciidanka ilaalada cashuuraha gobalka Nugaal kusoo bandhigeen qorshohooda kor u qaadista dakhliga gaar’ahaan cashuuraha #GST-ga, mushaaraadka shaqaalaha Iyo la dagaalanka barmuudada.

Agaasime Xaashi ayaa Mas’uuliyiinta gobalka Nugaal ee Wasaaradda Maaliyadda Ku amaanay dadaalkooda shaqo wuxuuna faray inay labba jibaaraan kor u qaadista Dakhliga gobalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More