IMG_4688

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulanka Dardargelinta Dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaarada Maaliyada Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa gudoomiyey shirka dardargelinta dakhliga gobalka Nugaal

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaayaasha waaxyaha Cashuuraha beriga Iyo Furdooyinka, Xisaabiyaha gobalka Nugaal, Maamulaha kastamada gobalka, Taliyaha ciidanka laanta ilaalada cashuuraha gobalka Nugaal Iyo Mas’uuliyiin kale.

Shirkan ayaa xisaabiyaha Gobalka Nugaal, Maamulaha kastamada Iyo Taliyaha ciidanka ilaalada cashuuraha gobalka Nugaal kusoo bandhigeen qorshohooda kor u qaadista dakhliga gaar’ahaan cashuuraha #GST-ga, mushaaraadka shaqaalaha Iyo la dagaalanka barmuudada.

Agaasime Xaashi ayaa Mas’uuliyiinta gobalka Nugaal ee Wasaaradda Maaliyadda Ku amaanay dadaalkooda shaqo wuxuuna faray inay labba jibaaraan kor u qaadista Dakhliga gobalka.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4678

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo la Kulmay madaxda Waaxda Furdooyinka Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Aggaasime Guud Ku-Xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kulan dhanka shaqada ah la yeeshay mas’uuliyiinta Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda.

Kulan waxaa ka qaybgalay Agaasimaha waaxda furdooyinka Mahdi Faarax Qambi, ku-xigeenka Agaasimaha waaxda Cali Siciid, Madax qaaybeedyada waaxda iyo qaybo ka mid ah shaqaalaha waaxda.

Shirkan ayaa looga hadlay la dagaalanka bar-muudada, taas oo ka mid ahayd qorshayaashii sanadka 2025 ee bishan May loogu talagalay. Iyo in xoogga la saaro sidii loo xoojin lahaa kormeerka xuduudaha, loona horumarin lahaa awoodda sirdoonka furdooyinka, korna loogu qaadi lahaa fahamka iyo tababarka shaqaalaha si loo sugo daahfurnaanta nidaamka kastamyada.

Shirka ayaa laga gaaray guulo ku aadan horumarinta shaqada ayna ka mid yihiin, ansixinta qorshaha dardargelinta hawlgallada kooxda guur-guurta (mobile team), xoojinta kastamada Xarfo iyo Daarusalaam, iyo ballanqaad ku aadan in shaqaalaha ku lug yeesha bar-muudada si toos ah loogu dabaqi doono sharciga.

Agaasime Guud ku xigeenka ee Dakhliga ayaa faray madaxda Furdooyinka fulinta go’aamada shirka lana samayn doono warbixino toddobaadle ah oo lagula socdo hawlgallada bar-muudada, hirgelinta tababarada shaqaalaha iyo kormeer joogto ah oo lala kaashanayo hay’adaha amniga.

Ugu dambayn Agaasimaha ayaa bogaadiyey dadaalka Waaxda Furdooyinka, isagoo ku dhiirrigeliyey dhammaan shaqaalaha in ay sii laba jibaaraan juhdigooda si loo xaqiijiyo dhaqaale hufan oo waara.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4666

Ku-simaha Agaasimaha Waa da Maamulka oo Kulan la qaatay Madax-qaybeedyada xarunta dhexe ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Ku Simaha Agaasimaha waaxda Maamulka ahana Agaasime Ku-xigeenka Maamulka Mudane Mukhtaar Xassan Maxamed ayaa kulan horumarinta shaqada ah la qaatay Madax qaybeedyada xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan ayaa looga hadlay Dardargalinta shaqooyinka socda ee Wasaaradda gaar ahaan Xafiisyada xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Madax qaybeedyada ayaa Agaasimaha la wadaagay habsami u socodka shaqooyinka xafiisyada ay joogan iyo baahiyaha jira oo ay ka mid yihiin in shaqaalaha Wasaaraddu baahi uqabaan helida tababaro si kor loogu qaado aqoonta shaqalaha  iyo aragtiyo kale oo ku aadan  dardargalinta iyo horumarinta shaqooyiinka kale ee Wasaaradda.

Ugu dambayn Agaasimaha ayaa Madax qaybeedyada faray in la sameeyo dadaalo dheeri ah oo ku aadan shaqooyinka bulshada loo hayo,waaxda Maamulkuna xooga saari doonto sidii shaqaaalaha aan nasiibka u yeelan in ay helaan tababaro sidii ay u helilahaayeen.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4650

Guddiga Goob shaqo ee Anshaxa iyo Abaalmarinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda oo ku kulmay xarunta Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Guddiga Goob shaqo ee Anshaxa iyo Abaalmarinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ayaa kulan ku yeeshay xarunta Dakhliga ee Wasaradda.

Kulanka waxaa shir Gudoomiyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle waxaana looga hadlay xeerararka Anshaxa iyo Abaalmarinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Intii uu socday kulankan waxaa halkaasi lagu soo badhigay qorshayaal la xiriira Shuruucda nidaaminta shaqada iyo Abaalmarinta Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda.

Ugu dambayn Agaasimaha guud  furay Mas’uulyiintii ka qayb galay kulankan taaba gelinta dhammaan qodobadii looga wada hadlay.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4615

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo la Kulmay Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Gollaha Wakiilada Puntland[Sawirro]

GAROOWE – Maxdaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa la kulmay maanta Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisabadka ee Gollaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Madaxda Wasaaradda waxaa hogaaminayey Wasiir ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo ay weheliyeen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga, kuxigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ,Agaasimaha waaxda Miisaaniyadda, Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga, Agaasimaha waaxda furdooyinka iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda

Guddiga ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda wax ka waydiiyey su’aalo la xiriira dhaqangalka Miisaaniyadda 2025, faah-faahinta dakhliga iyo kharashka muddada lagu jiray Miisaaniyadda 2025, xuquuqda shaqaalaha iyo Ciidamada ee Miisaaniyadda ku jirta iyo cabashooyin ka yimi dadweyanaha oo la xiriira cashuuro.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa si faah-faahin uga jawaabay  dhammaan su’aalihii ay waydiiyeen Guddigu.

Ugu dambayn kulankan lagu balamay sii xoojinta Wada shaqaynta Gudiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4590

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ka qaybgalay Kulan Wadatashi Dadweyne ee Qorshaha Miisaaniyadda[Sawirro]

GAROOWE –  Madaxda  Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa maanta ka qeyb galay kulan wadatashi dadweyne oo lagaga hadlayay Qorshaha Miisaaniyadda Dowladda, kaas oo ay soo qabanqaabisay Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA.

kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Axmed Jaamac Jowle, Agaasime guud ku-xigeenka Maamulka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cigaal,Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda Mudane Cabdisamad Cawad Surato,iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Madaxda Wasaaraddu waxay si qoto dheer uga hadleen muhiimadda ay leedahay wada-tashiga dadweynaha iyo sida ay talooyinka bulshada uga qeyb qaadan karaan horumarinta hannaanka miisaaniyadeed ee dowladda. Sidoo kale, waxay bogaadiyeen doorka Dalladda PUNSAA ee kor u qaadista ka-qaybgalka bulshada iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay mar walba u taagan tahay in ay si daah-furan oo hufan uga shaqeyso howlaha miisaaniyadda, iyadoo dhiirrigelinaysa wada-tashi joogto ah oo lala yeesho bulshada Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4520

Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay kulan Wasaaradu la yeelatay Maamulka Shirkadaha Biyaha[Sawirro]

GAROOWE  – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle, ayaa shir guddoomiyay kulan ay Wasaaradda la yeelatay Maamulka shirkadaha biyaha gobolka oo ay ka mid yihiin Bowaco iyo Gumco.

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime Ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha Canshuuraha Bariga, Maamulaha Canshuuraha Bariga, Maareeyaha Wakiillada Biyaha, Madaxda Shirkadda Biyaha iyo saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo hirgelin lahaa canshuurta biyaha (GST) oo lagu dari doono qaansheegyada shirkadaha biyaha.

Madaxda Wasaaradda ayaa shirkadaha Gumco iyo Bowaco kala hadlay sidii loo xoojin lahaa qaadista iyo soo xareynta canshuurta (GST) Maamulada shirkadaha ayaa si wanaagsan u soo dhaweeyay qorshaha canshuurta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Ahmed Jaamac Jowle, ayaa faray madaxda shirkadaha in loo baahan yahay wada-shaqayn buuxda, si canshuurta biyaha GST si hufan loo hirgeliyo loona soo xereeyo.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4422

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer ku tagay xarunta Dakhliga ee Wasaaradda[Sawirro]

GAROOWE – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa kormeeray shaqooyinka ka socda Xarunta dhexe ee dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.

Kormeerkan shaqo Agaasimaha guud waxaa ku weheliyey Agaasime Guud ku-xigeenka Dakhliga, Agaasimaha waaxda Cashuuraha beriga iyo Xisabiyaha Wasaardda Maaliyada ee gobolka Nugaal.

Agaasimaha guud ayaa Kulamo uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Xafiisyada uu booqaday kala hadlay habsami u socodka shaqooyinka ay hayaan iyo wax ka ogaanshaha baahiyaha ka jira in ay soo gud biyaan si wax looga qabto.

Agaasimaha guud waxa uu booqaday Xafiisyada ay ka hawl galaan shaqaalaha dakhliga, Xafiiska Xisaabiyaha gobalka Nugaal,Xafiiska Xisaabiyaha Gobalka Sool, Qaybta Xisaabaadka, sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ilaalada canshuuraha Booliska Gobolka Nugaal.

Ugu dambayn Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa bogaadiyey shaqooyinka socda waxaana uu shaqaalaha Wasaaradda la wadaagay in la geli doono ollole kor loogu qaadi doono dakhliga loona baahan yahay dadaal dheeri ah.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4411

Agaasime Guud Kuxigeenka Dakhliga W/Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan looga hadlay dakhliga[Sawirro]

GAROOWE – Agaasime guud Ku-xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay dardargelinta dakhliga oo lagu qabtay Xarunta dhexe ee Dakhliga.

Kulanka waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha waaxda Cashuuraha Berriga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdulqaadir Liibaan Cismaan, Madax qaybeedyada iyo Shaqaalaha dakhkiga Wasaaradda.

Intii uu socday kulankan Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa madaxda iyo shaqaalihii kulankan ka qayb galay la wadaagay fulinta qorshayaasha Saddexda bilood ee soo socota iyo sidii loo samayn lahaa dardargalinta dakhliga xoogana la saaro Cashuuraha Beriga.

Kulanka Wax yaabaha kale ee looga hadlay waxaa ka mid ahaa in la samayn doono qiimayn ku aadan goobaha dakhliga iyo shaqooyinka socda ayna dhici doonaan isla xisaabtan dhanka shaqada ah.

Ugu dambayn Agaasimaha ayaa Madaxda iyo shaqaalaha Dakhliga uga mahad celiyey shaqooyinka ay dalka iyo dadkaba u hayaan balse laga sugaayo dakhligii dalka lagu hormarin lahaa.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More
IMG_4361

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Warbixin ka dhageystay Xafiiska Xisaabaadka guud ee Wasaaradda[[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo muddooyinkii u dambeeyey kulamo joogto ah la lahaa qaybaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa maanta la kulmay Xafiiska Xisaabaadka guud.

Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Wasiirku xigeenka Maaliyadda Mudane En Cabdulaahi Ismaaciil Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Mudane Axmed Maxamed Bulxan, Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane Cali Jaamac Gaashaan iyo Madax qaybeedyada Xafiiska Xisaabaadka.

Mas’uulyiinta Xafiiska Xisaabaadka guud ayaa Madaxda Wasaaradda uuna hoggaaminaayo Wasiirka la wadaagay warbixinta wax qabadkii sanadkii 2024 tii, Shaqooyinka socda ee dhanka Xisaabaadka sanadka 2025 iyo xalinta caqabadaha jira.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Faarax Maxamuud ayaa bogaadiyay waxqabadka Xafiiska Xisaabaadka guud hawlaha muhiimka ah ee uu u hayo Dawladda Puntland.

Baahintii

Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Read More