Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Shir Guddoomiyay Kulan Fogaan arag ah loogana hadlay Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey Kulan Foogaan arag ah oo looga hadlay ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga ee gobolada Puntland.
Wasiirka kulankan waxaa ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle, waxana habka Foogaan Araga uga qaybgalay Agasime guud ku xigenak dakhliga, Agaasimayaasha waaxyaha dakhliga, Maamulayaasha Gobolada,Taliyayaasha Turbataariyada iyo Madax qaybeedyada dakhkiga ee Puntland.
Shirkan ayaa looga wada-hadlay ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga oo laf dhabar u ah dhaq dhaqaaqa horumarinta iyo hawl socd siinta Dowladdnimada Puntland. Loona baahan yahay in la qaado Ollole xoogan oo lagu hormarinayo qaadista canshuuraha berriga guud ahaan.
Wasiir ku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ayaa masuuliyiinta Shirka ka qaybgalay faray in la xoojiyo ololaha kicinta dakhliga canshuraha berriga lagana fuliyo dhammaan Gobolada.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland