Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeer shaqo ku tagay Goobaha dakhliga Wasaaradda ee Boosaaso[Sawirro]
BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle oo howlo shaqo u jooga magaalada bosaso ayaa kormeer shaqo ku tegey goobaha dakhli soo saarka ee Wasaaradda Maaliyadda.
Agaasimaha ayaa kulan la qaatay Mas’uulyiinta goobaha uu booqday oo ay ka mid yihiin kastamka Wasaaradda Maaliyadda ee garoonka diyaaradaha, Bangiga Dowladda laanta Boosaaso iyo Xarunta Ciidamada ilaalada canshuurah.
Maamulaha kastamka Garoonka iyo Taliyaha laanta ilaalada cashuuraha ayaa Agasimaha Guud uga warbixiyey hannanka shaqo ee socda iyo sida ay usoo xereeyaan Dakhliga, ayna ku hawlan yihiin dadaal dheeri ah iyo ushaqaynta bulshada cashuur bixiyaha ah.
Ugu dambayn Axmed Jaamac Jowle Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa boqday Bangiga Dowladda Puntland laanta Boosaaso
oo loo dhisay haab casri ah waxana uu la kulamay Mas’uulyiinta Bangiga waxana ay ka wada hadleen hawlaha shaqo ee ka dhexeya bankiga iyo Wasaaradda Maaliyadda.
Baahintii
Xaafiska Wacyi-galinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda
Dowladda Puntland










































BOOSAASO – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle uuna weheliyo Agaasime guud ku-xigeenka Dakhliga ayaa kormeer shaqo ku tagay Kastamka Dekada iyo xarunta cashuuraha berriga ee Wasaaradda Maaliyadda.
















































BOOSAASO – Madaxda Labada Wasaaradood ee Maaliyadda iyo Kalluumaysiga oo kulan ku yeeshay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Baahintii 
BOOSAASO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo hawlo shaqo u jooga Magaalada Boosaaso ayaa kormeer shaqo ku tagay Dekeda.































GAROOWE – Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland oo ay waheliyan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Xarunta dhexe ee Wasaaradda.





























































GAROOWE – Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay










































GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta shaqada Wasaaradda..
Baahintii 
GAROOWE – Guddiga Goobta shaqada Wasaraadda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa kulan shaqada lagu saxaayo la qaatay Xisaabiyaha, Xisaabiye ku-xigeenka, Maamulayaasha Cashuuraha Berriga iyo Kastamka iyo Khasnajiga labada Gobol ee Sanaag iyo Haylaan ee Puntland.
Baahintii 
















































