155AD8E3-4F50-4A1F-94E0-5ADC27C835E4.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo Wafti uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Addis Ababa.

ADDIS ABABA- Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Waftigan ayaa horay uga ambabaxay Puntland si ay uga qaybgalaan kulan looga hadlaayay hannaanka horumarinta Maaliyadda oo ay ka qaybgaleen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah kana dhacay magaalada […]

D463121E-58DC-4ED6-B726-F1A92AD8826D.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo ka qeybgalay Cayaar lagu soo dhaweynayay koox ka socotay Jaaliyadda Australia[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna ku simaha Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi ayaa ka qeybgalay cayaar kubadeed oo ka dhacday Gaalkacyo. Cayaartan oo ahayd mid aad u xiisa badnayd ayaa dhexmartay koox ka socotay Jaaliyadda Australia iyo kooxda Hambaboro FC taasoo gabagabdii kusoo idlaatay barbar dhac 0-0. Mudane Cumar Xasan Fiqi […]

A437F61C-6E90-487F-A9A8-722866772799.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda iyo xubno ka tirsan dowladda oo gaaray Galdogob[Sawirro]

GALDOGOB –  Waftigan oo uu kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland ahna ku simaha Wasiirka Cumar Xasan Fiqi, Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi,Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Cabdinaasir Yusuf Xirsi, Xildhibaan Cabdiweli Yusuf Dirir, Xisaabiyaha W/Maaliyadda gobolka Mudug Ismaaciil Cabdinuur Geesey, Agaasimaha guud ee W/Gamacsiga Cabdisamad Maxamed iyo Agaasimaha Fayadhowrka Puntland Asad Cismaan Nuux ayaa gaaray degmada […]

4A3F9B2B-1186-4287-9957-F99653EA8081.jpg

Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Puntland oo gaaray Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Cumar Xasan Fiqi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Gaalkacy. Cumar Xasan Fiqi , Wasiir kuxigeenka Maaliyadda ahna siihaya Wasiirka booqashadiisa gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah dardar galinta shaqada iyo kor u qaadida Dakhliga. Wasiirka waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta Wasaaradda […]

4E68D524-E121-4B82-8149-43D042A309D9.jpg

Baarlamaanka Puntland oo maanta Ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda 2020[Sawirro]

GAROOWE –  Gollaha Baarlamaanka Dawladda Puntland ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda Dawladda 2020 ee dhowaan la hor geeyay Gollaha Wakiiladda Puntland. Guddoomiyaha Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Abwaan Cabdirshiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyey kulanka Golaha Wakiiladda  ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda dowladda oo ah  $346,416,158.99. Fadhiga maanta ee Gollaha Wakiiladdaoo ay soo xaadireen 44 mudane ayaa waxaa cod gacan […]

C7F24F1A-CA86-4CBA-8F91-968CE02FB3C0.jpg

Madaxda W/Maaliyadda iyo Madaxda Bangiga oo si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu horumarinayo Bangiga[Sawirro]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Madaxda Bangiga ee dowladda ayaa si wadajir ah u saxiixay mashruuc lagu horumarinayo Bangiga dowladda Puntland. Kulankan waxaa shir Gudoominayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi ,waxana ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Bangiga Maxamed Faarax,Xisaabiyaha guud ee Dawladda Cumar Saalax, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Faysal Cabdulaahi Warsame, Maamulaha […]

E17C9D8F-24DA-48E9-931B-ECF7C4EA179C.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland iyo wafti uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Kampala

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda. Wasiirka iyo waftigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ee caasimada Gen. Maxamed Abshir kusii saagootiyay Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Mudane Cumar Xasan Fiqi,Taliyaha Ciidamada Boliska Puntland Gen.Muxyadiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda […]

CE1C00E9-006E-4175-BD70-9D7B11B9F479.jpg

Wasaaradda Maaliyadda oo Baarlamaanka Puntland horgeysay Miisaaniyadda 2020[Sawirro+Video]

GAROOWE – Madaxda Wasaaradda  Maaliyadda  Dawladda Puntland ayaa maanta horgeeyay Golaha Baarlamaanka Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99. Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee tagay golaha Baarlamaanka waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda,Wasiirku xigeenka Maaliyadda,Wasiiru dawlaha Maaliyadda,  Xisaabiyaha guud ee Dawladda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo masuuliyiin kale. Guddoomiyaha Gollaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa […]

8D3BC8A4-E6CE-40C7-8A88-5D7BA7EFA8A2.jpg

Gollaha Xukuumadda Puntland oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020-ka[Sawirro]

GAROOWE – Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa lagu ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2020 oo dhan $346,416,158.99. Wasiirka Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa ugu horreyn faah-faahin dheer oo ku saabsan miisaaniyadan cusub kasoo jeediyey madasha. Mudane Xasan Shire Cabdi […]