19FE59A4-346F-426A-8395-9FD97829B35A.jpg

Wasaaradda Maaliyada Puntland oo Gollaha Xukuumada u gudbisay Miisaaniyada 2020-ka[Sawirro]

GAROOWE – Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18.11.2019 u gudbisay Miisaaniyada 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay USD 346,416,158,99 milyan oo dollar sanadkii.  Kulanka gollaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxaa shir gudoomiyey Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa sidoo kale fadhiyey madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland […]

B71B87F4-B657-4348-A683-A871C479D408.jpg

W/Maaliyadda Puntland oo bilowday Olole lagu diiwaangelinayo Cashuur bixiyaasha waaweyn[Sawirro]

GAROOWE – Maanta oo ay taariikhdu tahay 16.11.2019 ayaa Wasaaradda Maaliyadda bilowday olole lagu diiwaan galinayo canshuur bixiyaasha waa weyn( large tax payers). Wasaaradda Maaliyaddu ayaa  diiwaan galinaysa canshuur bixiyayaasha waa weyn kuwaasoo dhan 27 canshuur bixiye, ayagoo qaybtood ay xaruntoodu tahay magaalada Garoowe, Wasaaradda Maaliyadda waxay ololahaas wadaysa todoba maalmood. Ugu horeyn waxa kulankaas ka […]

77EB82DB-6D8F-4FCB-8BF7-39D6E7F74463.jpg

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Barnaamjika FMIS-ka ka Daah-furtay Qardho[Sawirro]

QARDHO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa Barnaamijka FMIS-ka ka daahfuray degmada Qardho ee gobolka Karkaar. Barnaamijka daahfurkiisa ayaa waxa kasoo qaybgalay Xisaabiye kuxigeenka guud ee Dowladda Cali Jaamac Gaashaan,Xiriiriyaha Mashruuca PFM Cabdiqaadir Axmed Xaashi, Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Dheere, Madaxa qaybta FMIS Axmed Saalax Buraale, Xoghayaha dowladda hoose iyo mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda […]

4CB15561-3E19-4FBB-A26B-8ACB8552A4B4.jpg

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Qado sharaf u sameeyay Wafti isugu jiray Aqalka sare iyo Maamul goboleedyada[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa qado sharaf Sagootin ah u sameeyay Wafdi isagu jira Maamul goboleedyada iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare. GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi  ayaa  qado sharaf sagootin ah u sameeyay Wafti ka socda Maamul goboleedyada iyo Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare. Waftigan ayaa Garoowe […]

09397D35-22BA-45A5-9C5A-C2516320BD4A.jpg

Wasiir Dowlaha W/Maaliyadda Puntland oo Garoowe kusoo dhaweeyay Wasiir Beyle[Sawirro]

GAROOWE – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta soo gaaray caasimada Puntland ee Garoowe. Waftigan waxaa kusoo dhaweeyay Garoowe Wasiir dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale. Waftigan ayaa socdaalkoodu uu qeyb ka yahay shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garoowe loogana hadlayay Hannaanka Maaliyadda dalka. Wasiirka […]

A32AA201-B04C-4C49-AFA1-F68864B21068.jpg

Puntland oo martigelisay Shir looga hadlay Hannaanka Maaliyadda dalka[Sawirro]

GAROOWE – Magaalada Garoowe ee caasimada Dowladda Puntland waxaa lagu qabtay shir looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda dalka. Shirkan waxaa ka soo qaybgalay Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare, madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalla iyo madaxda Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya. Shirkan looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda dalka waxaa marti galisay Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed. Wasiirka Maaliyadda […]

DA588797-E42E-4628-A03A-DB3DC77E88F8.jpg

Wafti ka socda Dowladda Puntland oo gaaray dalka Itoobiya[Sawirro]

ADDIS ABBA – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa gaaray wafti ballaaran oo ka socday Dowladda Puntland. Waftigan waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga Puntland, Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland. Madaxda Puntland ee gaaray Itoobiya ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Oromiya soo dhaweynta ballaaran ay u sameeyeen. Shir ay wada yeesheen Madaxda […]

9A27ADE9-36A0-4D04-9AF8-897C6A00AEB6.jpg

Agaasime Kuxigeenka Guud ee Maamulka W/Maaliyadda oo kormeer shaqo ku tagey Gaalkacyo[Sawirro]

GAALKACYO – Agaasime Kuxigeenka Guud Maamulka Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland Keenadiid Cali Jaamac ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta  Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug ee magaalada Gaalkacyo. Agaasimaha waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey,Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug Ismaciil C/nuur Geesey, waxana xisaabiyahu xog ka bixiyay habsami u socodka shaqada Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Mudug. […]

FC24629F-E65F-4652-AC50-6ABBC67CDF92.jpg

Diiwaan-gelinta iyo Bixinta Kaararka aqoonsiga Shaqaalaha Maaliyadda oo ka socota Boosaaso[Sawirro]

BOOSAASO – Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku hawal lanaa diiwaan-galinta iyo bixinta kaarka aqoonsiga shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda. Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa safar shaqo oo ku aadan bixinta kaarka shaqaalaha ku tegay Agaasime kuxigeenka  Maamulka Keenadiid Cali Jaamac.  Shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari ayaa loo qaybiyay kaarka aqoonsiga oo ay […]