Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo Kormeeray dhismaha Laamiga ee isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr[Sawirro]
BIRTA-DHEER – KALABAYR Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminaayo ayaa kormeer ku tagay dhismaha laamiga isku xira Birta-dheer ilaa Kalabayr, oo dhererkiisu yahay 20 km. Inta badan shaqada jidkan muhiimka ah ayaa la soo gabagabeeyey, iyadoo 18.5 km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.
Kormeerka waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, qaar kamid ah golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha iyo Gudoomiye kuxigeenka Hay’adda wadooyinka Puntland ee ( PHA ) Ganacsade Jaamac Dhagadheere iyo masuuliyiin kale oo katirsan Dowladda.
Mas’uuliyiinta Dowladda Puntland waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey maamulaha shirkadda Kebarco, faysal Xasan Yacquub oo fulinaysay dhismaha laamigan.
Mashruucan dhismaha laamiga Birdheer – Kalabayr ayaa lagu hirgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa sida dowladda Puntland iyo bulshada ay si wadajir ah ugu heelan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka dalka.
Wasiirrada Maaliyadda iyo masuuliyiintii kale ee socdaalka ku wehelinayey ayaa bogaadiyey tayada shaqada, iyagoo ku dhiirrigeliyey shirkadda iyo bulshada inay sii wadaan dadaallada dhismaha waddooyinka kale ee muhiimka ah.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland


GAROOWE – Waxaa magaalada Garowe ka dhacay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo Wasaaradda Ganacsiga ee Puntland.
Baahintii 
GAROOWE – Wasiir Kuxigeenka Wasaaraddda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Eng Cabdullaahi Ismaacil Maxamed oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Madaxda Bankiga Dowladda Puntland.
Baahintii 
GAROOWE
Baahintii 
GAALKACYO – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Faarax Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Mudug ee Gaalkacyo. 






















GAROOWE – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jowle ayaa guddoomiyey shirka Istaraatijiyadaha Qorshaha Dakhli-Kicinta 2025 iyo casriyaynta goobaha shaqada.


























GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta dakhliga.
Baahintii 
GAROOWE –
Xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda
Baahintii 
GAROOWE – Wasiirku xigeenka Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Bulxan ayaa shir gudoomiyey kulanka horumarinta waaxyaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda.


















GAROOWE – Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa Baraha Kantaroolada ku war gelisay in laga daayey Cashuurta( Enter) Soogelida Gaadiidka DDS Itoobiya ka imaanaya ee shixnadaha gacansi ka qaada
