Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland oo soo xiray Kulanka Horumarinta Dakhliga[Sawirro]
GAROOWE – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa soo xiray kulanka horumarinta dakhliga oo loo qabtay mas’uuliyiinta gobollada xeebaha Puntland.
Waxaa Wasiirka kulanka ku wehliyey Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka Dakhliga iyo Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland, kuwaas oo soo bandhigay warbixino iyo talooyin la xiriira sidii loo xoojin lahaa hannaanka ururinta dakhliga iyo hagaajinta nidaamyada maamulka maaliyadeed ee gobollada.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta iyo casriyeynta nidaamka dakhliga, si loo abuuro ilo dhaqaale oo waara, loona xaqiijiyo maalgelinta adeegyada bulshada iyo Hormarinta Adeega Dowladda.
Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo khudbad dheer ka jeediyay xiritaanka kulanka, ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiinta dakhliga ee gobollada shaqada wanaagsan ee ay hayaan, isaga oo ku booriyay inay muujiyaan dadaal dheeraad ah, maadaama dakhligu yahay laf-dhabarta difaaca iyo horumarinta qaranka.
“Dakhliga aynu soo saarno waa tiirka ugu weyn ee lagu dhiso dowladnimada iyo adeegyada bulshada. Waxaan idinka rajaynayaa in aad dadaal iyo daacadnimo dheeraad ah ku bixisaan waajibaadka shaqo ee idin saaran,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud.
Intaa kaddib, Wasiirku waxa uu si gaar ah uga hadlay gobolka Raas-Casayr, isaga oo sheegay in madaxda Wasaaraddu ay dhawaan ku tegi doonaan kormeer shaqo oo ballaaran, loona hawlgelayo daboolidda baahiyaha rasmiga ah ee halkaas ka jira.
Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa ku adkeeyay mas’uuliyiintii kulanka ka qeybgalay in ay ka dhabeeyaan awaamiirta dhanka shaqada ee loo igmaday. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in la hirgelin doono kormeero joogto ah iyo in si cadaalad ah loo abaalmarin doono shaqaalaha iyo xarumaha ka soo baxa waajibaadkooda shaqo.
Baahintii
Xafiiska Wacyi-gelinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland